Faalo

HORDHACA BUUGGA

Waxaan  halkaan ku soo  gudbin doonaa  haddii  uu Allah  idmo Buug si guud iyo gaar ah intaba  ugu hadli doona  qabiilka  Cormale  taariikh ahaan iyo isir ahaan intaba, anaga oo  idin kugu soo gudbin doona  sidii ay  inoo soo gaarsiiyeen  odayaasha , waxgaradka  iyo waayeelka qabiilka Cormale ee taariikhda .

Waxaa u istaagay  arrintaan anaga  oo ah dhalinyaro, aqoon yahanno  iyo waxgarad kale oo ka soo jeeda qabiilka  Cormale  kadib markaan aragnay dad badan si bareer ah ugu xad‑gudbaya  isirka iyo karaamada  qabiilka Cormale  .

Waxaan go’aansanay in aan buuggan qorno kadib markaan aragnay dad badan oo  baraha ay  bulshada ku xariirto ee loo yaqaano Social  Media  ku qora  taariikh aan sax aheyn , taas oo  dhaawac  ku ah  jiritaanka iyo karaamada qabiilka Cormale , dadkaas  oo aan  xitaa aqoon u lahayn cidda ay wax ka qorayaan iyo  taariikha ay qorayaan intaba .

Bulsho walba waxay ku faantaa halka ay ka gaartay ilbaxnimada casriga ah iyo aqoonta ay u leedahay  sooyaalkeeda taariikhda ee guunka ah ,  dhaqanka bulshaduna waxaa uu gundhig u yahay in lagu cabiro arrinkaas.

Dadka  Soomaaliyeed oo asal ahaan u badan dad reer guuraa  xoolo dhaqato ah iyo beeralley  ayaa  sabab u ah inta badan in aaysan u qornayn taariikhdooda si sax ah , taasi oo ka lumisay wax badan oo ku saabsan dhaqanka iyo taariikhda Soomaalida .

Qabiilka  Cormale  waxaa  uu ka mid yahay qabiillada ugu taariikhda dheer bulshada Soomaaliyeed, balse aan wax badan laga qorin, taasi oo keentay in  dad badan oo kala u jeeda ah  ay  ka qoraan taariikh aan sax aheyn , waana sababta ugu weyn ee keentay in aan u istaagno  uruurinta iyo qorista  buug ka turjumaayo taariikhda Cormale oo sax ah .

Buuggan  waxaan uu ka  kooban yahay  qaybaha soo socda:

  1. Taariikhda guud ee qabiilka Cormale .
  2. Abtirsiimada iyo Isirka Cormale .
  3. Taariikhda hoggaankii dhaqanka iyo  sooyaalka  Cormale  waqtiyadii  hore iyo waqtiga  dhaw intaba .
  4. Xeerarkii uu ku dhaqmi jiray qabiilka Cormale .
  5. Deegaanada uu dego  Cormale iyo deegaannadii hore uu soo degay.
  6. Taariikhda colaadaha , nabadda iyo heshiisyada mid hore iyo mid dambe intaba.
  7. Burburkii dowladnimada iyo waqtigii colaadaha .
  8. Dowladnimada cusub iyo dhimaha dowlad gobleedyada iyo dowrka uu kaga jira qabiilka  Cormale  .

Waxaan dooneynaa in buuggan la baahiyo mar dhaw   lana daaboco, sidoo kale lagu baahiyo Internetka inshaa Allah si ay dadka Soomaaliyeed wax badan uga fahmaan  guud ahaan , gaar ahaan dadka ku abtirsada qabiilka Cormale  .

SOO  DHAWEEYN

waxaan soo dhaweeyneeynaa qof kasta oo xog cilmi ku dhisan, aqoon iyo waaya aragnimo ku soo biirin karo ama ku soo kordhin koro Buuggan gaar ahaan aqoon yahanada  ka soo jeeda qabiilka Cormale maadaama uu khuseeyo  taariikhdooda u gaarka ah .

AFEEF

waxaan ka cudur daarneeynaa haddii  wax badan oo xog ah ay ka maqanaadaan  ama aan lagu soo wada dhameystirin taariikhda qabiilka Cormale oo aad u ballaaran iyo buugga oo weli qabyo qoraal ah  darteed waa soo  dhammeeystiri doonaa  hadii Allah idmo.

Waxaan sidoo kale ka cudur daaraneeynaa haddii jilibya ka baxa jifooyin qaar aan si fiican loogu sharixin ama ay qaar maqnaadaan , waxaan rajeeynaa in aan soo dhameeystiri doono inshaa Allah .

Sidoo kale waxaan ka cudur daaraneeynaa waxa aan qoreeyno oo ah taariikh waxaa  la socda dhacdooyin dhinac walbo leh wanaag iyo wax kale intaba , waxaan u soo qaadan doonaa sida ay tahay  taariikh kasta  oo  ma jiri doonta cid loogu darnaan doona ama loogu roonaan doona oo waa taariikh  .

WQ/ MAXAMED CUMAR GEEDI

Waxaa qayb weyn ka qaatay qorista , xog uruurinta iyo maalgelinta intaba buugga aqoon yahan .

 CALI XUSEEN IBRAAHIM  (Matooriste)

Sidoo kale waxaa ka qayb qaatay xagga farsamada aqoonyahanada kala ah :

  1. Maxamed Isaaq Maxamed (Ina Isaaq dheere).
  2. Abdiqaadir Macoow Booroow.

MAHAD‑CELIN

Allah ayaa mahad dhammaanteed iska leh oo inoo suurta geliyay in aan qorno buuggan, kadibna waxaan u mahadcelineeynaa dhammaan dadkii ka qayb qaadatay qorista buuggan oo ay kamid ahaayeen duqeeydii, waxgaradkii iyo dhalinyarada qabiilka Cormale rag iyo dumar intaba, waxaa jira dad badan oo si weyn uga qayb qaatay  qorista iyo hergelinta  buuggan  mahadi ha ka gaarto dhammaantood .

Waxaa talo , tusaale iyo tabarucaad  (Contributions) kaga qayb qaatay  hergelinta  buugaan  walaala  hoos ku qoran oo kala jooga :

  1. Maxamed Cusmaan Aadan (Xerow) jooga U.S.A .
  2. Cabdulqaadir Cabdi Maxamed (Cerinte) jooga U.S.A .
  3. Maxamed Xuseen Dhicis (Maxamed yare) – jooga Kismaayo .
  4. Cumar Abshir Jawaareey – jooga  Nairobi  .
  5. Cabdalle Maxamed Khamiis – jooga Muqdisho .
  6. Caasho Cabdullaahi Baasaay – joogta Baydhabo .
  7. Ibraahim Aadam Dhicis – jooga U.S.A .
  8. Cumar Abshir Bashiir – jooga U.S.A
  9. Maxamed Xassan Muuse – jooga Dubai –U.A.E
  10. Cabdirisaaq Aadam Xassan – johanesburg –South Africa .
  11. Cabdi Sabdoow Dhicisoow – jooga –Johannesburg – South Africa .
  12. Dr Ibraahim Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed (Dr. Ibrahim Dhicisoow) jooga-Muqdisho.
  13. Daahir Aadam Xassan – jooga Muqdisho.
  14. Nabadoon Xaydar Aadam Cali Dheere- jooga – Raaxoole.
  15. Cabdullaahi Ibraahin (Goombir) – jooga – Diinsoor.

Waxaa u furan dhammaan  walaalaha iyo guud ahaan aqoonyahanka beesha  Cormale  in ay talo , tusaale  iyo waayo aragnimo  intaba kaga qayb qaataan  dhameystirka buuggan taariikhda Cormale  ayaga oo ku  soo hagaajin kara

cormale01@gmail.com

 onecrmale@gmail.com

Waxaan si hor u dhac ah u soo gelinay bartaan www.cormale.com qayba kamid ah buugga taariikhda Cormale  .

Allah ayaa mad-leh

error: Qoraalkaan in la copy-gareeyo lama ogala.