Abtirsiimada Beesha

ABTIRSIIMAHA IYO ISIRKA

 

CORMALE waa qabiil ballaaran oo ka mid ah qabiilada Soomaaliyeed ee dega koonfurta Soomaaliya iyo dhulalka Soomaalida ee dalalka deriska ah sida Itoobiya iyo Kenya.

CORMALE isir  ahaan waa  SAMAALE  HIIL  .

Waa  CORMALE  IBRAAHIM GARDHEERE SAMAALE .

Cormale waxaa uu ka mid yahay sagaalka (9) SAMAALE oo ay ku abtirsadaan qaybo badan oo kamid ah dadka Soomaaliyeed waana sidan soo socota :

  1. Irir Samaale
  2. Gardheere Samaale.
  3. Mayle Samaale.
  4. Maqarre Samaale.
  5. Gurre Samaale.
  6. Gariire Samaale.
  7. Xamarre Samaale.
  8. Xariire Samaale.
  9. Yaabuurre Samaale.

CORMALE isir ahaan waxaa ay is xigaan qabiillada Soomaaaliyeed ee loo yaqaano afarta (4) ilmo Gardheere Samaale , waxaana  kamid ah qabiillada  hoos ku qoran oo kala ah:

1- IBRAAHIM (Cadde) GARDHEERE : Waxaa  ka farcama  Cormale  iyo  Cerinte  oo  guud ahaan  hadda  wada ah  hal qabiil oo Cormale ah, arrintaan ayaa ka dhigan Cormale Ibrahim Gardheere iyo Cerinte Ibiraahim Gardheere .

2- GARJENTE GARDHEERE waxaa ka farcama guud ahaan beelaha Saransoor  iyo beela kale sida .

  1. Riyaale Garjente
  2. Dhalade Garjente
  3. ALAMOOG Garjente
  4. Waceys Garjete

Riyaale waxaa uu u kala baxaa Mataan iyo Cartame .

Mataan waxaa ka baxa   Saransoor Mataan Riyale  Garjante Gardheere  oo kala ah:

A- Gaaljecel  Saransoor.

B- Dagoodiye Saransoor.

C- Masarre Saransoor.

D- Ciise Saransoor.

Waxaa jira  qaybo  weli  baaqi  ku ah magacii asalka ahaa ee Garjente Gardheere oo guud ahaan ay  ku abtirsadaan dhammaan  waana qaybaha hadda loo yaqaano Garjente, marka laga reebo  beelaha Saransoor oo ay ka baxaan beelaha waawen ee Garjente Gardheere .

3- GARRE  GARDHEERE  hadda waxaa uu  ka mid yahay beelaha Digil, waxaa  uu u  kala baxaa Tuuf iyo Quraan:

  • Tuuf waxaa uu u kala baxaa Cali iyo
  • Quraan waxaa ka baxa  Assare iyo

4 – HOON GARDHEERE waxaa uu u kala baxaa :

  • Galsoore Hoon
  • Erdhe Hoon
  • Gaasho Hoon

Hoon gardheere  qabiiladii ka baxa waxaa ay qayb ahaan kamid yihiin  qabiillada  Digil  iyo Mirifle  gaar  ahaan qabiilka Xaryin  iyo qayba kale oo kamid ah shanta Caleemood   xogtooda waxaan ku faah‑faahin doonaa qaybaha soo socda.

Waxaa jira jifooyin  asal ahaan ka soo jeeda qabiilka Cormale  oo hadda kamid ah qabiilka Xaryin gaar ahaan Hoon iyo Shanta Caleemood gaar ahaan Erdhe  ( Xagga damabe ee buuggan  ka akhriso ayada oo  faah‑faahsan iyo sababta intaba).

QABIILKA CORMALE

Waxaa  uu ka kooban yahay qaybo badan   halkaan ka baro qayb kasta  inshaa Allah :

  1. Beelo waaweyn oo ka baxa qabiilka Cormale.
  2. Jifooyin ka baxa beelaha qabiilka Cormale.
  3. Jilibyo ka baxa jifooyinka beelaha Cormale.

Beelaha ka baxa qabiilka Cormale oo gaaraaya tira ahaan (22) beelood , ayaa marka hore  asalka  waxaa ay  u qaybsamaa seddex (3) qaybood  oo waaweyn waana sidan :  

1—GARLABE   KASHAME  CORMALE  IBRAAHIM GARDHEERE oo ah curudka  Cormale waxaa ka baxda lix (6) beelood.

2MEYLE  MOORAALE KASHAME CORMALE IBRAAHIM  GARDHEERE  oo ah yaraanka  Cormale  waxaa ka baxda (13) beelood.

3CERINTE  IBRAAHIM GARDHEERE  oo adeer u ah labada kor ku xusan, waxaa  ka baxda (3) beelood :

(Fiira gaar ah) : Beelaha iyo Jifooyinka  Cormale ee hadda  jira  waa beela asal ah  iyo beela farac ah oo  qaar  ayaa farac ah oo sii dhex maro beelo  kale oo asal ah xagga  abtirsiimada  hadana  waa beela  u  siman arrimaha qabiilka dhexdiisa , sidoo kale waxaa kala duwan sida ay u dhasheen beelaha  iyo  saami qaybsiga  qaaraanka oo beelaha qaar oo farac ah ayaa hadana kamid  ah  beelaha waaweyn ee qabiilka  , ( ka akhriso qaybta LIXDA CORMALE )  .

Waxaa jira  beela farac ah oo haddana kamid ah beelaha waaweyn ee Cormale iyo beela asal ah kana kamid  ah beela yar yar ee qabiilka.

XOG KU SAABSAN  BEELAHA CORMALE

Qaybtaan waa xog kooban oo ku saabsan beelaha qabiilka Cormale oo aan kaga hadli doonaa beelaha qabiilka sida : beelaha waaweyn iyo beelah yar yar ee qabiilka dhexdiisa  iyo  qaabka ay u qaybsadaan  qaaraanka iyo magta .

Waxaa mudan in aan tilmaano qaar kamid ah beelaha  asalka ah  xagga abtirsiimada ayaa haddana la siman  beelo farac ah  arrimaha qabiilka dhexdiisa ah sida : Qaaraanka iyo bixinta magta.

Waxaan sidoo kale  buuggan dhexdiisa ku sheegi doonaa haddii uu Allah idmo  beelo iyo jifooyin asal ahaan  ka soo jeeda qabiilka  Cormale  laakiin waqti xaadirkan  ka mid ah qabiilla  kale oo  Soomaaliyeed  iyo qabiilada  ay bah-wadaagta  yihiin.

Waxaa kale oo aan wax ka  sheegi doonaa haddii uu Allah  idmo  beela Cormale ah oo haddana ku tiirsan beelo kale  oo isla Cormale ah xaga qaaraanka iyo bixinta magta , waxaan uga hadli doonaa qaybta kuheeysa  (lixda Cormle iyo lixda korfuusha) ee buuggan .

Arrintaas ayaa ka dhigan in beelaha wada dhashay ay qaarkood  yihiin beelo waaweyn oo lagu tiirsan karo halka qaar kale oo ay walaalo  siman yihiin xagga abtirsiimada  ay  yihiin beela yar yar oo ay  tahay in laga gacan  siiyo  Qaaraanka iyo bixinta  Magta.

KALMADA  ABKEEY 

Waxaad in badan ku arki doontaan buuggan dhexdiisa kalamada Abkeey oo micnaheeda yahay awoowehey hebel, waana ixtiraam  iyo qaab lagu xushmeeyo dadkii  asalka u ahaa qabiilka , waxaana  lagu tarbiyeeyaa  caruurta Cormale .

Waxaa ka reeban qof kasto oo Cormale ah  marka uu reer kale oo qabiilka dhexdiisa ah uu tilmaamaayo  in uu yiraahdo Reer hebel oo  lama ogola taasi, waxaana waajib ku ah in uu yiraahdo Reer Abkeey hebel oo ka dhigan xurmo loo haayo  awoowayaashii  hore ee qabiilka .

Tusaale : sida Abkeey Cerinte , Abkeey Ciise ,  Abkeey Aydoonle sidaas ayaa  lagu wadayaa beel kasata iyo jifo kasta marka aan dooneyso in aan  sheegno magaca jifooyinka iyo jilibyada qabiil Cormale .

Ninkii si kale u sheega waxaa ka yaalo xeer ciqaabeed u gaar ah , caruurtana waaba lagu  canaantaa ama waa lagu tumaa haddiiba  ay afkoodaba ka soo baxdo oo  laga maqalo .

                BEELAHA KA BAXA QABIILKA  CORMALE

CERINTE

Cerinte waa  beel adeer ama waalid u ah  beelaha kale  Cormale  sida aan hore u soo sheegnay hadana  kamid ah qaybaha waaweyn ee Cormale waxaa ka baxda saddex (3) beelood  oo kala ah :

1 -Muuse .

2- Maskiin Waaq.

3- Tol Ciise.  

GARLABE  waa  curudkii Cormale , waxaa  ka baxda lix  (6) beelood oo kala ah:

1-  Maxamed Aw Bakar.

2- Axmed Nuurre.

3 – Tol Yaaquub.

4-  Ayadoonle.

5-  Ahaloow.

6-  Cusmaan Dheere.

MEYLE waa wiilkii labaad ee Cormale waxaa uu u qaybsamaa  shan (5) qaybood oo asal ah oo ay ka farcmaan  beela badan , guud ahaan  waa  (13 ) beelood .

  1. Jidgaal Mayle.
  2. Laagoow Mayle.
  3. Cumar Mayle.
  4. Xasan Mayle (Fasaxle).
  5. Gambooleen Mayle.

(Fiira Gaar ah) : Sagaalka (9) beelood ee kale waxaa ay dhamaantood ka baxaan Gambooleen  Mayle oo waa farac.

Waxaa jira beela ka farcama qaybo kamid  ah Gambooleen, haddana kamid ah beelaha ugu badan Mayle, waana sababta ay dad badan  u dhahaan Garlabe, Gambooleen iyo Cerinte , marka laga hadlaayo qabiilka  Cormale .

GAMBOOLEEN MEYLE

Waxaa uu u kala baxaa labo kala ah War-adag Gambooleen iyo Ulac Gambooleen  .

  1. WAR,ADAG GAMBOOLEEN:

Waa Waladeeye , waa hal (1) beel oo kamid ah beelaha Cormale   kana baxda Gambooleen Meyle .

  1. ULAC GAMBOOLEEN :

waxaa ka farcama shan (5) beelood oo mid kamid ah shantaas  beelood ay u qaybsami doonta  beela kale  oo waaweyn,waana  sidan :

  1. Afgaab Ulac.
  2. Isaaq Ulac .
  3. Sama-arag Ulac.
  4. Sama-rabe Ulac.
  5. Yibidhaale Ulac 

Fiira Gaar ah: Shanta ilma Ulac afar kamid ah  waxaa ay weli baaqi ku yihiin magacii asalka ahaa ee  ilmo Ulac Gambooleen , marka laga reebo Afgaab Ulac oo ay ka  baxaan  beela kale oo farac ah:

Afgaab Ulac waxaa ka baxda afar (4) beelood  oo farac ah haddana  kamid ah beelaha waaweyn ee qabiilka waa seddexda (3) Abrabe Afgaab iyo adeerkood oo ah Mataana Afgaab, waana sidan :

  1. MTAANA AFGAAB.
  2. ABRABE AFGAAB waxaa ka baxda  seddex (3) beelood oo kala ah :
  • Ciise Abrabe
  • Ismaaciil
  • Saleemaal

Halkaa  waxaa ku dhan beelaha  qabiilka  Cormale uu ka kooban yahay ama uu ku abtirsado asal  iyo farac intaba oo ah (22) beelood.

Fiira Gaar ah : dhammaan beelaha faraca ah waxaa ay ka baxaan Mayle  gaar ahaan Gambooleen Meyle . 

BEELAHA CORMALE IYO JIFOOYINKA OO FAAH‑FAAHSAN

Halkaan ka baro haddii uu Allah idmo sida ay u kala baxaan beelaha Cormale iyo jifooyinka ka baxa  beel kasta oo faah‑faahsan , sidoo kale  jilibyda hoose ee ka baxa  jifooyinka  oo  faah‑faahsan.

CERINTE

Cerinte waa asal ka mid ah Cormale waxaana ka baxda seddex (3) beelood waana sidan beel kasta iyo jifooyinka ka baxa oo faah‑faahsan:

1—MUUSE   waxaa uu u qaybsamaa  seddex  jifo oo kala ah:

A: Abkeey Aamin waxaa ka baxda seddex jilib oo kala ah .

  • Hiloowle
  • Gaabane
  • Guuleed

 B: Abkeey Cali waxaaa uu u kala baxaa laba jilib .

1- Cabdi

2- CabdulleAbkeey                                             

C: Wehelow waxaa uu u kala baxaa afar jilib .

  • Idirs
  • Rooble
  • Gaaboow
  • Maxamuud

2MASKIIN‑WAAQ  waxaa ka baxda labo (2) jifo oo kala ah Makaraan iyo Maxaad :

A: Abkeey Cusmaan Makaraan waxaa uu u kala baxaa seddex jilib .

  • Maxamed Cusmaan
  • Cumar Cusmaan
  • Macaaneey Cusmaan

B: Abkeey Maxaad waxaa uu u kala baxaa seddex jilib oo kala ah .

  • Nuur Maxaad
  • Xassan Maxaad
  • Aadam Maxaad

F.G ah : waxaa jira  jilibyo  kamid ah  Abkeey Cusmaan Makaraan  oo lagu magacaabo Abow Roorow oo gaar ahaan ka baxda Cumar Cusmaan Makaraan oo hadda kamid ah Raxanweyn gaar ahaan qabiilka Geeladle ,  waxaa ay bah‑wadaag yihiin jifada lagu magacaabo Gaalbuudle waxaa kala dhaxeeya dhalsha xaga hooyada ah ee sheegad  kuma ahan halkaas .

Sidoo kale waxaa jira jifo kale oo Cerinte ah kana baxda Abkeey Maxaad Makaraan oo Hiiraan degan kana tirsan Gaaljecel – Caloofi ( Yibar Caloofi ) oo lagu magacaabo reer AW‑NUUR XASSAN oo  Xassan Maxaad ah .

3‑TOL‑ CIIS waxaa ka baxda labo (3) jifo  oo kala ah:

  • Abkeey Berkaan Iidle ( Berkaan Geelle ) .
  • Abkeey Caalim Iidle.
  • Abkeey Cabdi Iidle  .

 GARLABE:

Garlabe  waa asal waxaana  ka baxda  lix (6) beelood oo ah  sidan soo socota:

A:  MAXAMED AW BAKAR (Tolwayne) waa beel kamid ah beelaha Cormale kana baxda Garlabe marka hore waxaa uu u kala baxaa labo kala ah RASWAAQ iyo MAHIIBAAN :

Waxaa uu u qaybsamaa  guud ahaan (9) jifo waxaana  loo yaqaanaa sagaalka Maxmaed Aw Bakar .

1: MAHIIBAAN :

waxaa uu u qaybsamaa  labo kala ah Kashameys iyo Maara-gal, oo mid kasto oo kamid ah uu dhalay labo sidaa darted waxaa la dhahaa afarta (4) Mahiibaan .

A: Kashameeys Maxamed :  waxaa ka baxa labo  jifo  oo kala ah :

1- Abkeey Xaad

2- Abkeey Cabdille

B: Maara-gal Maxamed : waxaa ka baxa  labo jifo oo kala ah :

      • Hiirgade .
      • Coomaarre .

2: RASWAAQ :

waxaa uu u qaybsamaa (5) shan jifo waxaana loo yaqaanaa shanta abkeey  Raswaaq.

  • Abkeey Maalin .
  • Abkeey Goosaar .
  • Abkeey Sadkeey .
  • Abkeey Roqor .
  • Abkeey Waxara-fuulis.

Wadarta  guud waa (9) waxaa halkaan ku dhan  sagaalka Maxmaed Aw Bakar, waxaana jira  jilibya  hoose oo  ka farcamo  jifooyinkaan  sagaalka  ah.

(Fiira Gaar ah ): Waxaa jira qaybo kamid ah jilibyada  ka baxa  jifooyinka  Maxmaed Aw Bakar oo hadda bah‑wagaag la ah ama  ka mid ah qabiilka  Biyamaal.

F.G : Beehsha Maxamed Aw Bakar waxaa ay ahaayeen hogaamiyaasha qabiilka Cormale laga soo bilaaba boqortooyadii Abkeey Wacaaysuge oo soo maamushay qabiilka waqti  aad u dheer oo  lagu qayaasay in ka badan shan boqol oo sano (500) marka aan eegno sida ay isu dhexleen iyo inta jeer oo ay la kala wareegeen dhexlka boqortooyada  , qaybaha dambe  ee buuggan ayaan kaga  hadli doonaa haddii Allah idmo .

Hoggaanka Cormale waxaa ay ku wareejiyeen beesha Ciise oo waxaan sheegi doonaa sababta ay ugu wareejiyeen  iyo waqtiyadii ay soo maamuleen Ciise  qabiilka , sidoo kale waxaan sheegi doonaa dad kale oo aan kamid ahayn reer ugaask oo ka soo mid  noqday hogaanka qabiilka haddii uu Allah idmo   . 

B AXMED NUURRE :

Waa beel kamid ah beelaha Cormale  kana baxda Garlabe , waxaa  ka baxda  seddex (3) jifo oo kala ah :

1- Cumar Axmed : waxaa ka baxda  seddex jilib oo kala ah .

A: Cabdiraxmaan Cumar

B: Yuusuf Cumar

C: Cabdille Cumar

2- Maxamed  Axmed : waxaa ka baxda afar jilib oo kala ah  .

A: Reer Abkeey Axmadeey Iidoow

B: Abkeey Aadam Cusmaan

C: Reer Abkeey Cabdala Kuusoow

D : Reer Abkeey Muudeey Axmed

3- Aadam Axmed (Kuuloow) : waxaa ka baxa .

  1. Reer Aw Macalim .

Fiira Gaar ah :

Waxaa jira jilibya ka baxa  beesha Axmed Nuurre gaar ahaan qayba ka baxa Maxamed Axmed  oo hadda  ka mid ah qabiilka Garre waxaa ayna degaan  degmada  Ceel-waaq, Kenya .

CTOL-YAAQUUB :

Waa beel  kamid ah beelaha  Cormale kana baxda Garlabe waxaa uu u qaybsamaa  marka hore labo  kala ah Talasame iyo Maxamed .

Waxaa ka baxda lix jifo  guud  ahaan waxaana loo yaqaanaa lixda (6) Tol‑yaaquub .

A: TALASAME : waxaa ka  baxda (5) jifo oo kala ah  :

  1. Abkeey Cali Abroone .
  2. Abkeey Adam Abroone .
  3. Abkeey Abokar Abroone .
  4. Abkeey Shimbir .
  5. Abkeey Cabdalle .

B: MAXAMED  : waxaa ka baxda hal  jifo oo ah:

  1. Abkeey Ilinduug .

Halkaan waxaa ku dhan lixda jifo ee Tol-yaaquub , waxaana jira jilibyo hoose ka farcama  jifooyinkan .

Waxaa jira qaybo kamid ah Tol-yaaquub gaar ahaan Ilinduug oo dega Shabeelada Hoose  oo xilfi iyo bah-wadaag la ah beelaha  Shanta Caleemood .

D—AYADOONLE :

Waa beel kamid ah beelaha Cormale kana baxda Garlabe waxaa uu u kala baxaa  seddex (3)  jifo:

  • Abkeey Xaaji Faarax
  • Abkeey Makaraan
  • Abkeey Cabdi Irib

Fiira Gaar ah: dadka waxaa ay dhahaan magaca AYDOONLE laakiin magaca oo rasmi ah ama sida saxda ah  waa Ayadoonle .

E—AHALOOW  :

Waa beel kamid ah beelaha Cormale kana baxda Garlabe waxaa uu u kala baxaa  seddex (3) jifo  oo kala ah:

  • Abkeey Oday.
  • Abkeey Abiikar.
  • Abkeey Huudoow.

F—CUSMAAN DHEERE :

Waa beel kamid ah beelaha Cormale  waana beelaha ka baxa Garlabe  waxaa ka baxda  labo (2) jifo :

  • Abkeey Maxamuud
  • Abkeey Tiirre guul

Halkaan waxaa ku dhan beelaha  ka baxa  Garlabe  iyo jifooyinka ka farcama.

 MEYLE :

Meyle waxaa uu u qaybsamaa beelo asal ah  iyo beelo kale oo farac ah  qaarkood  ayaa   sii dhex mara  qaar kale  xagga abtirsiimada  haddana  waqti xaadirkaan waa beelo  u siman  qabiilka  dhexdiisa  .

1- LAAGOOW MEYLE : Waa beel kamid ah beelaha Cormale  kana baxda Meyle waxaa uu u  kala baxaa Labo jifo oo kala ah  Faqi Cumar iyo Faqi  Cali.

A : FAQI  CUMAR  waxaa ka baxda  shan (5) jilib

1 . Cabdi Faqi Cumar .

2  . Kulmiye Faqi Cumar .

3 . Jiriil Faqi Cumar .

4 . Cismaan Faqi Cumar .

5 . Idiris Faqi Cumar .

B : FAQI CALI waxaa  ka baxda  seddex  (3) jilib :

  • Amin Cusman
  • Abiikar  Cusman
  • Aboow Hafoow

(Fiira Gaar ah) : Aboow Hafoow waxaa ay qayb ka yihiin  waqti xaadirkaan qabiilka XARYIN gaar ahaan Hoon , gaar ahaan  Hoon wayne – Idimoole, waxaa ay qaaraan wadaag la yihiin  jifada Berre Dhurre.

Qabiilka Xaryin  iyo Cormale waxaa ka dhaxeeya xariir dhaqan iyo dhalasho oo aad u adag  muhiimad gaar ahna u leh labada dhinac iyo xeerar kale.

2JIDGAAL MEYLE  

Waa beel kamid beelaha Cormale kana baxda Meyle waxaa uu u kala baxaa labo kala ah Maxaad Huudow iyo  Cabdalla Huudow oo mid kasta oo kamid ah waxaa ka baxa seddex (3) jifo , wadarta guud waa  lix (6) jifo Jidgaal Mayle :

A : Abdalla  Huudoow : waxaa ka baxda  seddex  (3) jifo oo kala ah :

  • Reer Aw Hilowle.
  • Reer  Aw Hassan .
  • Reer Aw macalim Cabdille

B: Maxaad  Huudoow : waxaa ka baxda seddex (3) jifo oo kala ah  :

  • Reer Abdi  Gaboobe
  • Reer Abroone
  • reer Osmaan  Aaboow  .

3 – CUMAR MEYLE  

waa beel ka mid ah beelaha Cormale  kana baxda Meyle , waxaa ka baxda  labo jifo oo kala ah :

  • Abkeey Cali Yaroow.
  • Abkeey Maalmeey.

Beeshaan Cumar Mayle waxaa ay qayb muhiim ah ka tahay qabiilka Xaryin gaar ahaan Hoon  waxaa ay ka sii tahay  Hoon yare oo u kala baxa Yibidhe iyo Aw‑yare gaar  ahaan  Cumar  Meyle waa Aw-Yare .

4—XASAN MEYLE:

Xasan Meyle oo sidoo kale loo yaqaano “Fasaxle Mayle” waxaa uu weli baaqi ku yahay  magaciisii asalka ahaa ee Xasan Meyle waxaa ay qayb ahaan degaan magaalada  degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose , sido kale waxaa jira  qaybo  kale oo dega  Baydhabo qaybtaan waxaa ay kamid yihiin  qabiilka Xaryin  gaar ahaan  Hoon yare-Yibidhe /Aarag.

5—GAMBOOLEEN  MEYLE

Waa beel kamid ah Cormale waxaa uu u kala baxaa  labo kala ah Ulac Gambooleen  iyo War-adag  Gambooleen:

1- WAR‑ADAG Gambooleen (Waladeeye) waa beel kamid ah beelaha Cormale kana baxda Mayle waxaa uu u qaybsamaa labo Xasan waladeeye iyo Cumar Waladeeye.

A : Xasan  Waladeeye : waxaa ka baxa  :

1 : Maxamed Xasan  oo Dumaale ah, waxaana ka farcama seddexda jilib ee Dumaale  oo kala ah .

  • Cali Warsame Sahal Adeer-faay  Yibirow Hindoole Dumaale.
  • Aamin Waasuge Adeer-faay Yibirow Hindoole Dumaale.
  • Abkeey Hibi (Hibi Cadde) Rooble  Iribaay Hindoole Dumaale.

iyo Sama-rabe Ulac oo  bah‑wadaag  la ah Sama-rabe Ulac  hadda  waxaa loo yaqaanaa  Abkeey  Sheekh.

(Fiira Gaar ah ): guud ahaan  jilibyada  Xasan Walaeeye iyo Sama-rabe waxaa la isku dhahaa Dumaale .

B: Cumar  Waladeeye :  waxaa uu u kala  baxaa  labo jifo oo kala ah :

  • SACAD .
  • Kitaab Doone.

Sacad waxaa uu dhalay  Dawaale , waxaana  ka baxda  afar ( 4) jilib

  1. Irib Dawaale.
  2. Axmed Dawaale.
  3. Cumar
  4. Makaraan Dawaale.

Kitaab doone  : waxaa uu dhalay  Celi  waxaana ka baxda  afar ( 4) jilib  oo kala ah :

  1. Xalane Walaal Sugaay
  2. Maxamed Walaal Sugaay Celi .
  3. Cabdi Walaal Sugaay Celi .
  4. Aadam Walaal  Sugaay  Celi .

waxaa ku dhan halkaan  jifooyinka ka baxa beesha Waladeeye  oo ah (3) jifo waxaana lagu  soo koobaa guud ahaan  Dumaale, Dawaale iyo Celi.

(Fiira Gaar ah) : waxaa jira qaybo kamid ah Waladeeye oo bah‑wadaag la ah qabiilka Garre waxaa ay degaan Afgooye iyo Qoryooleey iyo guud ahaan Shbeellada  Hoose.

2- ULAC GAMBOOLEEN

waxaa ka baxa belaha faraca  ah ee Cormale , sidoo kale waxaa baxa  beelaha ugu badan Meyle .

Waxaa ka baxda shan (5) beelood oo mid kamid ah oo ay ka sii farcamaan beela  kale qabiilka  ah :

  1. Sama-arag Ulac waxaa uu weli baaqi ku yahay magacii asalka ahaa ee Sama‑arag waxaa uu bah‑wadaag la yahay beesha Ciise gaar ahaan Maxaad-faay  xagga qaaraanka iyo arrimaha kale ee qabiilka muhiimadda u leh  .
  2. Yibidhaale Ulac sidoo kale waxaa uu weli  baaqi ku yahay magacii asalka ahaa ee Yibidhaale Ulac waxaa uu bah‑wadaag la yahay xagga qaaraanka iyo bixinta  Magta beesha Abkeey  Ismaaciil gaar ahaan  Abkeey Ahal  .
  3. Isaaq Ulac waxaa uu weli baaqi ku yahay magacii asalka ahaa waxaa loo yaqaanaa  Abkeey Cali  oo ah Cali  Abroone Isaaq Ulac  beeshaan hadda waxaa ay qayb muhiim ka tahay CERINTE  gaar ahaan  Abkeey  Muuse .
  4. Sam-rabe Ulac  sidoo kale waxaa  uu baaqi ku yahay magacii asalka ahaa ee Sama‑rabe ulac , beeshaan waxaa ay  qayb ka tahay Waladeeye gaar ahaan Dumaale xagga qaaraanka iyo arrimaha kale ee qabiilka , sidoo kale waxaa  hadda  loo yaqaanaa Abkeey  Sheikh  .
  5. Afgaab  Ulac  : waxaa  ka baxa  beelaha  ugu  waaweyn  Meyle   .

Beelaha ka baxa  Ulac Gamboleen Mayle  ee  afarta  ah ee aan kor ku soo sheegnay ee weli baaqiga ku ah magacii asalka ahaa ee ilmo  Ulac Gamboleen  waxaa loo yaqaanaa (Ulac Gaa‑Gaab ) marka laga reebo Afgaab Ulac Gambooleen  oo ay ka baxaan beelaha ugu  faracsan Cormale xagga abtirsiimada  .

AFGAAB ULAC  

Waxaa  uu u kala baxaa  labo  kala ah Mataana Afgaab iyo Abrabe Afgaab , waxaa ka baxda  afar (4) beelood oo kala  ah  seddexda Abrabe iyo adeerkood oo Mataana ah  :

1—MATAANA AFGAAB waxaa uu u qaybsamaa labo kala ah Mataana Cade iyo Mataana Madoobe .

Beesha hadda  loo yaqaayo Mataana waxaa ay ka baxdaa mataana cadde , waxaana la dhahaa Abkeey Abiikir Dhaayoow .

Beeshaan waxaa ay bah-wadaag la tahay beesha Abkeey  Ismaaciil gaar ahaan Abkeey Ahal  xagga arrimaha qaaraanka iyo bixinta Magta  iyo guud ahaan  howlaha kale ee qabiilka  muhiimada u leh .

Fiira Gaar ah : waxaa jira qaybo kale oo mataana ah  oo  ku dhex jira beela  kale oo isla Cormale  dhexdiisa ah sida  tol‑yaaquub  iyo Ciise .

2—ABRABE  AFGAAB

waxaa ka baxda  seddex beelood oo kala  ah :

  • Ciise .
  • Ismaaciil .
  • Saleemaal .

Seddexda  Abrabe waxaa la dhahaa  seddexda  aan seddex  dhalin  oo mid kasta oo kamid ah  waxaa uu dhalay  labo (2)  Waana  sidan soo  socota :

A-ISMAACIIL :

waa beel kamid ah beelaha Cormale kana baxda Gambooleen Meyle  wxaa uu u qaybsamaa  labo  kala ah : XASSAN iyo  MAXAMED  .

1—Maxamed  Ismaaciil waxaa  uu u kala  baxaa labo  kala ah  Cumar  iyo Cabsiye .

A: Cumar Cabdi waxaa uu u kala baxaa (5) jilib

1- Xassan Cumar

2-Aadam Cumar

3- Cusman Cumar

4- Cali Cumar

5- Mohamud Omar

B: Cabsiye Warid waxaa uu u kala baxaa labo jifo  kala ah Abkeey Maxaad iyo Abkeey Ahal  :

Abkeey Maxaad  waxaa ka baxda labo jilib oo kala ah:

1- Abkeey Abiikir Maxaad

2- Abkeey Aadam Maxaad

Abkeey Ahal  waxaa ka baxda  seddex (3) jilib oo kala ah :

  1. Abkey Abiikir Ahal .
  2. Abkeey Maxamuud Ahal .
  3. Abkeey Axmed Ahal .

(Fiira Gaar ah) : jifadaan Abkeey Ahal waa jifo ballaaran waxaana ka baxa jilibyo  hoosaadyo  kale oo tira badan .

Waxaa jira  sidoo kale  jifooyin kale oo Cormale ah oo bah‑wadaag  la ah Abkeey  Ismaaciil gaar ahaan Abkeey Ahal dhanka qaaraanka iyo bixinta Magta  waa beelaha kala ah Yibidhaale iyo Mataana .

Waxaa jira sidoo kale jifo ka baxda Abkeey Ismaaciil  gaar ahaan Abkeey Ahal oo hadda kamid ah  Ajuuraan , jifadaas oo lagu  magacaabo  Bixin‑Same qayb ahaan waxaa la yiraahdaa Wehliye waxaa ay ka baxdaa Axmed  Khalaf .

Fiira Gaar ah : Bixin-same waa Ajuuraan waxaa uuna u kala baxaa labo kala ah Wehliye  iyo Walaall oo ah jilibyada uu ka kooban yahay  Bixin‑same  .

Labada jilib  ee Bixin-Same waxaa ay  wadaagaan oo  kaliya hooyada , Wehliye  asal ahaan waa Cormale halka Walaal uu asal ahaan yahay  Ajuuraan  laakiin  hadda waa  Ajuuraan  labadaba .

2Xassan Ismaaciil waxaa uu u kala baxaa labo  kala ah  Abkeey Xaaji  iyo Abkeey Kuusoow .

Abkeey Kuusoow waxaa ka baxda shan (5) jilib

  • Abkeey Aadam Kuusoow .
  • Abkeey Maxamed Kuusoow .
  • Abkeey Idiris Kuusoow .
  • Abkeey Mataan Kuusoow .
  • Abkeey Xassan Kuusoow .

Fiira Gaar ah : inta aan baaritaanka wadnay  marna ma arkin qof ama qoys ku abtirsada Abkeey Xasan Kuusoow  .

Waxaa jira jilibyada Abkeey  Kuusoow qaar kamid sida Adam Kuusoow iyo Mxamuud Kuusoow oo degan Shabeellada Hoose gaar ahaan  Afgooye  halka labada jilib ee kala ah Mataan kuusoow  iyo Idiris kuusoow  ay ka mid yihiin Cormale – Kismaayo  .

Abkeey Xaaji  waxaa  ka baxa shan (5) jilib  oo kala ah :

  • Cumar Xaaji .
  • Maxamed Xaaji .
  • Muudeey Xaaji .
  • Miixaan Xaaji .
  • Xasan Xaaji .

Halkaan waxaa ku dhan  (20) ka  jilib ee  Abkeey Ismaaciil .

BSALEEMAAL

waa beel kamid ah beelaha Cormale kana baxda Gambooleen Meyle wxaa uu u kala baxaa labo  kala ah Yacquub  iyo Jibraa,iil .

1- Jibraa,iil  waxaa ka baxda labo jifo (2) oo kala ah

Abkeey AFLAXA waxaa ka baxda

  • Abkeey Axmed Aflaxa
  • Abkeey Cali Aflaxa
  • Abkeey Maxamed Aflaxa

Abkeey Xersi waxaa ka baxda  lix  (6)  jilib oo  kala ah :

  • Abkeey Huud Xersi .
  • Abkeey Cumar Xersi .
  • Abkeey Maxamed Xersi .
  • Abkeey Sheekh Xersi .
  • Abkeey Xassan Xersi
  • Abkeey Geedi Xersi

    2. Yacquub 

Abkeey Yacquub waxaa ka baxda labo jifo oo kala ah  Xassan Cali  iyo  Dalab Yacquub :

Abkeey Xassan Cali waxaa ka baxda

  • Reer Aw Jibriil
  • Reer Aw Maxamuud
  • Reer Aw Fareey

F.G ah : ma arkin  qof ama qooys ku abtirsada Reer Aw Maxamuud inta aan  baartiaankan wadnay

Abkeey Dalab Yacquub : waxaa ka baxda Dalab Yacquub seddex  jifo  ( 3 ) oo  kala  ah :

1- Abkeey Gacal  Mataan   Dalab  Yacquub  Saleemaal .

2- Abkeey Maxamed Mataan Dalab Yacquub Saleemaal .

3- Abkeey Cabdi  Mataan Dalab Yacquub Saleemaal .

  • Abkeey Cabdi Mataan : waxaa ka baxa Walaal‑Faay oo ay ka baxa labo jifo  oo  kala ah :

Abkeey SOOMANE Walaal-faay waxaa ka baxda

1- Abkeey Xassan Soomane

2- Abkeey Gaafoow Soomane

Abkeey CALI AXMED Walaal‑faay  , waxaa ka baxda :

  • Cumar
  • Coloow
  • Caalim

(fiiri gaar ah): jifooyinka  Abkeey Xersi  iyo Walaal‑Faay  waa ka baxa jifooyinka  ugu ballaaran qaybaha  Abkeey Saleemaal , waxaa jira Jifooyin kale oo Yacquub  Saleemaal   kamid ah oo  hadda  aan qayb ka ahayn qabiila Cormale  sida :

  • Abkeey Gacal Mataan :

Waxaa uu qayb ahaan kamid yahiin qabiilka Xaryin‑Hoon si gaar ah waxaa ay bah‑wadaag yihiin  Yibidhe , sidoo kale waxaa  jira qaybo kale oo Abkeey  Gacal Mataan ah ay kamid ah Cormale – Kismaayo .

  • Abkeey Maxamed Mataan :

Beeshaan sida ay u dhantahay waxaa ay  kamid tahay qabiilka Xaryin gaar ahaan Hoon – Hoon Yare  si gaar ah Yibidhe  waxaa la dhahaa : Reer Aw Maadoow Edaaw iyo Reer Aw Isaaq Edaaw  ( reer aw Maadoow Cadoow iyo reer Aw Isaaq Cadoow ) .

Fiira Gaar ah : jifooyinkaan  qabiilka Xaryin  sheegad kuma dhex ahan ee waa horfadhiga qabiilka, waxaa jiray heshiis ay qayb ka ahaayeen oo loo yaqaano heshiiskii Buri Liibaan  sida ay inoo sheegeen odayaasha taariikh ee reer Baydhabo  .

Waxaa jirta kalmad caan ka ah qabiilka Xaryin dhexdiisa taas oo ah ( Aboogaa ballantii Buri Liibaan roogaay )  erayadaan oo uu  micnahooda yahay awoowaa ma joogay ballantii buri liibaan .

Ballantii Buri Liibaan waxaa ay ahayd meel ay ku heshiiyeen Hoon iyo Waraasiile oo ah qaybaha uu ka kooban yahay qabiilka Xaryin .

Qaybaha Cormale ee aan soo sheegnay waxaa ay qayb ka ahaayeen heshiiskaas waxaan ku faah‑faahin doonaa haddii uu Allah idmo qaybaha soo socda ee buugan ballantii  buri liibaan iyo balaayadii Aashoow .

Waxaa xusid mudan  jifooyinka iyo jilibyada Cormale ee qaybta ka ah qabiilka Xaryin   dhamaantood  waxaa ay ka baxaan Meyle   .

C—CIISE

Waa  beel kamid ah beelaha Cormale kana baxda Gambooleen Meyle , waxaa uu u  kala baxaa   labo waa Cumar  iyo Cabdiraxmaan  .

1­­­—Cumar  waa  Abkeey  Cusmaan Cumar  oo kaliya waxaa ay hadda bah-wadaag la yihiin xagga qaaraanka iyo bixinta magta qaybaha kale  ee Ciise ah gaar ahaan  Maxaad-Faay  –  Cumar Maxaad-faay .

2—Cabdiraxmaan  waxaa ka baxa  Cabdimajiid oo ah

Cabdimajiid Maxaad Madoobe  Cabdiraxmaan Ciise , waxaa uu  u kala baxa labo  kala ah :

  • Maxaad‑Faay Cabdimajiid .
  • Duqoow Cabdimajiid oo ah ( Duqoow Cabdimajiid waa odayga ay ku abtirsadaan Macaaneey iyo qayba kale oo Ciise ah  ) .

Waxaa guud ahaan beesha Ciise loo yaqaanaa hadda Macaaneey iyo Maxaad-Faay oo kaliya , laakiin waxaa jira jifooyin kale oo beesha Ciise ah oo aan Macaaneey iyo Maxaad‑Faay midba ahayn.

Beelahaas  sidoo kale hadda qayb kama ahan Cormale xagga dambe ayaan ku faah‑faahin doonaa haddii uu Allah idmo .

Waxaa xusid mudan in aan tilmaano Macaaneey in uu yahay farac halka Maxaad-Faay uu  waalid u yahay xagga abtirsiimada sida aad xaga hoose ku arki doontaan haddii uu Allah  idmo dhanka  kale  hadda waa beela wada siman qabiilka dhexdiisa .

A: MAXAAD‑FAAY  waxaa uu u kala baxaa labo  kala ah :

1—Suufiin  oo ah ( Abkeey ugaas) waxaa ka baxda  seddex  jilib  oo kala ah :

  • Abkeey Xaaji Suufiin .
  • Abkeey Cumar Suufiin .
  • Abkeey Caalim Suufiin .

Abkeey Caalim suufiin waxaa ka baxa jilibya  hoosaadyada   ku qoran  halkan .

  • Cumar Caalim Suufiin .
  • Cali Caalim Suufiin .
  • Cusleey Caalim Suufiin .
  • Isloow Caalim Suufiin .
  • Ciisoow Caalim Suufiin .
  • Maxamuud Caalim Suufiin .

(Fiira .Gaar ah )  intii aan baristan  wadnay ma  arkin qof ama qoys  kamid ah jilibka Ciisoow  Caalim  Suufiin  waan  maqalnay oo kaliya.

F.G: Bahdaan Abkeey Caalim Suufiin waxaa ay ahaayeen ugaasyadii soo maamulay Cormale waqtigii ugu dheeraa ee lagu diiwaan geliyay taariikhda Cormale  ilaa iyo shan boqol iyo kontan  sano (550)  ayay soo maamulayeen kadib beesha Wacesymuge  gaar ahaan  Maxamed Aw‑Bakar  oo horay u hayn jiray saldanada qabiilka kuna wareejiyay Ciise , sababta keentay in lagu wareejiyo beesha Ciise ka akhriso qaybta hogaanka dhaqanka  iyo sooyaalka ee Buuggan  .

 

2— Cumar  Maxaad‑Faay  waxaa  ka baxda  (7) jilib waana sidan :

  • Abkeey Maxamed Maxamuud  .
  • Abkeey Cabdi Maxamuud .
  • Abkeey Muun Maxamuud  .
  • Abkeey Makaraan Maxaad .
  • Abkeey Makaraan Cabdalla .
  • Abkeey Abiikar Cumar .
  • Abeey Cabid Cusmaan  .

Waxaa intaan ku dhan  jilibyada  Maxaad‑Faay Cabdimajiid  waxaana  inoo xigi doona haddii uu Allah idmo Duqoow Cabdimajiid oo ay ka baxaan Macaaneey iyo Jifooyn kale  waana sidan .

Fiir Gaar  ah : waxaa jira jilibya ka soo jeeda Abkeey Maxaad‑Faay oo kamid ah qabiilada Xaryin iyo Harooow oo kamid ah beelaha  Digil iyo Mirifle .

B :  Duqoow Cabdimajiid  waxaa uu dhalay Aamin.

Aamin  waxaa uu dhalay Irib.

Irib  waxaa uu dhalay labo  kala ah Cali Irib  iyo Axmed  Irib  :

CALI IRIB  :

Waxaa ay qayb ka yihiin  Raxanweyn  gaar ahaan qabiilka  Geeladlle  waxaa ay bah‑wadaag  la yihiin jifada lagu magacaabo Aboow Aadam Maxamed (Aboo Eeden Maamad ) .

Waxaa ay si gaar ah qaaraan wadaag yihiin Aboow Waag-Bariis oo u kala baxa Bah-yare iyo Bah-weyne ( Cali Irib waa Bah-weyne )

Waxaa ay degaan Cali Irib deegaanka Goorisane oo ku yaalo duleedka degmada Baydhabo ee  xarunta gobolka Bay  waxaa ayna u qaybsamaan  lix jilib waxaana uga caansan  deegaankooda meesha  loo yaqaano Warta Cali Irib   .

 AXMED IRIB :

waxaa uu u kala baxaa labo kala ah Guriyoow  iyo Macaaneey  :

  • Guriyoow Axmed .

Guriyoow Axmed waxaa ay degaan  degmada Buur‑Hakaba waxaa ay qayb muhiim ah ka yihiin qabiilka  Eelaay – Bah-horaad waxaa la dhahaa (Nuurre Axmed) oo Guriyoow naaneys sida ay inoo sheegeen odayaasha taariikhda iyo Isirka Cormale aqoonta u leh .

Bah-horaad oo u kala baxa Bara iyo Leela , waxaa ay qaaraan wadaag yihiin Leela  si gaar ah jifada lagu magacaabo  Handab-dhal,aale .

Waxaa ay degaan reer Aw Guriyoow  tuulooyin hoos yimaado degmada Buur-Hakaba sida : Waaf-dhaay , Warta Gunjaale , Golaay iyo Rooblaay .

  • Macaaneey Axmed .

Waxaa uu u kala baxaa (4) jilib waxaana loo yaqaanaa afarta oday  Macaaney  iyo Cali Axmed oo bah‑wadaag la ah  .

1- Cabdi Macaaney  waxaa ka baxda

a- Abkeey Abiikar Jeela

b- Abkeey Aadam Buraale

2- Mxamed Macaaneey  waxaa ka baxda shan jilib

a- Abkeey Abiikar Maxamed

b- Abkeey Axmed Maxamed

c- Abkeey Cali Maxamed

d- Abkeey Muuse Maxamed

e- Abkeey Aadam Maxamed ( reer gadaal u guur )

 3- Cusmaan  Macaaneey  waxaa ka baxda

  • Abkeey Abiikar Cusmaan
  • Abkeey Aamin Cusmaan ( Qamda-weyn )
  • Abkeey Cali Cusmaan
  • Abkeey Cabdi Cusmaan ( Cabdoow soog )
  • Abkeey Macoow Cusmaan
  • Abkeey Aadam Cusmaan
  • Abkeey Samatar Cusmaan
  • Abkeey Yuusuf Cusmaan
  • Abkeey Axmed Cusmaan ( Axmoow Qatal)

4- DIINI Macaaneey oo weli baaqi ku ah magacii asalka ahaa ee Diini Macaaneey .

 5- CALI  Axmed waxaa ka bada

  • Coloow
  • Cumar
  • Caalim ( oo ah Caalim Axmed oo adeer u ah labada kore )

Fiira Gaar ah : Cali Axmed waxaa uu qayb weyn oo muhiim ah ka yahay  jilibyada Macaaneey haddana  asal ahaan waa  Abkeey  Saleemaal oo  waa Yacquub – Walaal-Faay  in badan oo Cormale  ah ayaa dhaha  “Saleemaal Diid” laakiin anaga inta aan baarista wadnay ma arkin  meel ay ku diideen ama  wax caddeeyn u noqan kara arrintaas  .

 CALI AXMED IYO MACAANEEY

waxaan soo ogaanay Cali Axmed in uu u tagay odaygii Macaaneey oo adeer  u ahaa  kuna  noolaa  dhulka  soomaali  galbeed ee  Ethiopia  haaysato  .

Odaygii  Macaaneey  oo adeer u ahaa Cali Axmed ayaa soo dhaweeyay  kana  dhigtay sida wiilkiisa oo kale , waxaa uu u  dardaarmay wiilashiisii in uu walaalkood yahay  dhaxalkiisana uu wax ku leeyahay ninkii ka qadyaana  waa uu habaaray .

Wiilashii odaygii  Macaaneey qaar ayaa u diiday in uu dhaxalkii aabahood  la qaybsado Cali Axmed , halka qaar kale ay ku dadaaleen  in ay fuliyaan  dardaarankiisi  oo ah  in uu dhaxalka la qaybsado  Cali Axmed .

Dood dheer  ka dib waxaa ay go,aan  ku gaareen raggii doonaayay in ay fuliyaan dardaarankii odaygii Macaaneey in ay dib isugu celceliyaan  qaybtii dhaxal ahaan u soo gaartay xoolahii  si uu ula qaybsado  walaalkood Cali Axmed .

Sidaa darteed  waxaad ka fahmi kartaa qormadaan kooban  Cali Axmed  in uusan Saleemaal diid aheeyn  sidoo kale uusan Macaaneey sheegad u aheeyn , waxaa kaliya oo ay ahaayeen walaalo ku kulmiyay  meel ka fog dalkii iyo dadkii  ay ka soo jeedeen   .

Waxaa ka reeban qof kasta oo Macaaneey ah in uu yiraahdo Cali Axmed ma  ahan  Macaaneey  iyo waxii lamid ah ayaga oo ogsoon  in Cali Axmed uu  ku abtirsada adeerkood oo Saleemaal  ah haddana waa daradaaran guud oo adag oo ay ka soo  gaareen duqii Macaaneey  oo xitaa  habaaray ninkii faraciisa ah oo Cali Axmed ma ahan Macaaneey  yiraahdo  .

Fiira Gaar ah : waxaa jira qaybo badan oo kamid Macaaneey iyo Cali Axmed oo hadda  bah‑wadaag la ah qabiilka Dagoodiye ,  si gaar ah Macaaneey waxaa ay isku bah ama isku  hooyo yahiin jifooyin kamid ah Dagoodiye  waana sbabta  keentay in ay si weyn isugu milmaan dhalashada guud ka soke .

F.G :  qaybaha Macaaneey  iyo Cali Axmed ee aan kor ku soo sheegnay waxaa ay degaan  gobolada  Soomaalida ee  Ethiopia  iyo Kenya .

WQ / H.E Maxamed Cumar Geedi

Waxaa qayb weyn  ka qaatay soo diyaarinta , xog uruurinta   iyo maal‑gelinta intaba  aqoon yahan :

CALI  Xuseen Ibraahim ( Matooriste )

Waxaa saxid ku sameeyay oo si gaar ah dhanka farsamada  mahadi haka gaarto aqoonada kala ah :

  1. Maxamed Isaaq Maxamed (Ina Isaaq dheere).
  2. Abdiqaadir Macoow Booroow.
error: Qoraalkaan in la copy-gareeyo lama ogala.