Abtirsimo
ABTIRSIIMAHA IYO ISIRKA
CORMALE waa qabiil ballaaran oo ka mid ah qabiilada Soomaaliyeed ee dega koonfurta Soomaaliya iyo dhulalka Soomaalida ee dalalka deriska ah sida Itoobiya iyo Kenya.
CORMALE isir ahaan waa SAMAALE HIIL .
Waa CORMALE IBRAAHIM GARDHEERE SAMAALE .
Cormale waxaa uu ka mid yahay sagaalka (9) SAMAALE oo ay ku abtirsadaan qaybo badan oo kamid ah dadka Soomaaliyeed waana sidan soo socota :
- Irir Samaale
- Gardheere Samaale.
- Mayle Samaale.
- Maqarre Samaale.
- Gurre Samaale.
- Gariire Samaale.
- Xamarre Samaale.
- Xariire Samaale.
- Yaabuurre Samaale.
CORMALE isir ahaan waxaa ay is xigaan qabiillada Soomaaaliyeed ee loo yaqaano afarta (4) ilmo Gardheere Samaale , waxaana kamid ah qabiillada hoos ku qoran oo kala ah:
1- IBRAAHIM (Cadde) GARDHEERE : Waxaa ka farcama Cormale iyo Cerinte oo guud ahaan hadda wada ah hal qabiil oo Cormale ah, arrintaan ayaa ka dhigan Cormale Ibrahim Gardheere iyo Cerinte Ibiraahim Gardheere .
2- GARJENTE GARDHEERE waxaa ka farcama guud ahaan beelaha Saransoor iyo beela kale sida .
- Riyaale Garjente
- Dhalade Garjente
- ALAMOOG Garjente
- Waceys Garjete
Riyaale waxaa uu u kala baxaa Mataan iyo Cartame .
Mataan waxaa ka baxa Saransoor Mataan Riyale Garjante Gardheere oo kala ah:
A- Gaaljecel Saransoor.
B- Dagoodiye Saransoor.
C- Masarre Saransoor.
D- Ciise Saransoor.
Waxaa jira qaybo weli baaqi ku ah magacii asalka ahaa ee Garjente Gardheere oo guud ahaan ay ku abtirsadaan dhammaan waana qaybaha hadda loo yaqaano Garjente, marka laga reebo beelaha Saransoor oo ay ka baxaan beelaha waawen ee Garjente Gardheere .
3- GARRE GARDHEERE hadda waxaa uu ka mid yahay beelaha Digil, waxaa uu u kala baxaa Tuuf iyo Quraan:
- Tuuf waxaa uu u kala baxaa Cali iyo
- Quraan waxaa ka baxa Assare iyo
4 – HOON GARDHEERE waxaa uu u kala baxaa :
- Galsoore Hoon
- Erdhe Hoon
- Gaasho Hoon
Hoon gardheere qabiiladii ka baxa waxaa ay qayb ahaan kamid yihiin qabiillada Digil iyo Mirifle gaar ahaan qabiilka Xaryin iyo qayba kale oo kamid ah shanta Caleemood xogtooda waxaan ku faah‑faahin doonaa qaybaha soo socda.
Waxaa jira jifooyin asal ahaan ka soo jeeda qabiilka Cormale oo hadda kamid ah qabiilka Xaryin gaar ahaan Hoon iyo Shanta Caleemood gaar ahaan Erdhe ( Xagga damabe ee buuggan ka akhriso ayada oo faah‑faahsan iyo sababta intaba).
QABIILKA CORMALE
Waxaa uu ka kooban yahay qaybo badan halkaan ka baro qayb kasta inshaa Allah :
- Beelo waaweyn oo ka baxa qabiilka Cormale.
- Jifooyin ka baxa beelaha qabiilka Cormale.
- Jilibyo ka baxa jifooyinka beelaha Cormale.
Beelaha ka baxa qabiilka Cormale oo gaaraaya tira ahaan (22) beelood , ayaa marka hore asalka waxaa ay u qaybsamaa seddex (3) qaybood oo waaweyn waana sidan :
1—GARLABE KASHAME CORMALE IBRAAHIM GARDHEERE oo ah curudka Cormale waxaa ka baxda lix (6) beelood.
2—MEYLE MOORAALE KASHAME CORMALE IBRAAHIM GARDHEERE oo ah yaraanka Cormale waxaa ka baxda (13) beelood.
3—CERINTE IBRAAHIM GARDHEERE oo adeer u ah labada kor ku xusan, waxaa ka baxda (3) beelood :
(Fiira gaar ah) : Beelaha iyo Jifooyinka Cormale ee hadda jira waa beela asal ah iyo beela farac ah oo qaar ayaa farac ah oo sii dhex maro beelo kale oo asal ah xagga abtirsiimada hadana waa beela u siman arrimaha qabiilka dhexdiisa , sidoo kale waxaa kala duwan sida ay u dhasheen beelaha iyo saami qaybsiga qaaraanka oo beelaha qaar oo farac ah ayaa hadana kamid ah beelaha waaweyn ee qabiilka , ( ka akhriso qaybta LIXDA CORMALE ) .
Waxaa jira beela farac ah oo haddana kamid ah beelaha waaweyn ee Cormale iyo beela asal ah kana kamid ah beela yar yar ee qabiilka.
XOG KU SAABSAN BEELAHA CORMALE
Qaybtaan waa xog kooban oo ku saabsan beelaha qabiilka Cormale oo aan kaga hadli doonaa beelaha qabiilka sida : beelaha waaweyn iyo beelah yar yar ee qabiilka dhexdiisa iyo qaabka ay u qaybsadaan qaaraanka iyo magta .
Waxaa mudan in aan tilmaano qaar kamid ah beelaha asalka ah xagga abtirsiimada ayaa haddana la siman beelo farac ah arrimaha qabiilka dhexdiisa ah sida : Qaaraanka iyo bixinta magta.
Waxaan sidoo kale buuggan dhexdiisa ku sheegi doonaa haddii uu Allah idmo beelo iyo jifooyin asal ahaan ka soo jeeda qabiilka Cormale laakiin waqti xaadirkan ka mid ah qabiilla kale oo Soomaaliyeed iyo qabiilada ay bah-wadaagta yihiin.
Waxaa kale oo aan wax ka sheegi doonaa haddii uu Allah idmo beela Cormale ah oo haddana ku tiirsan beelo kale oo isla Cormale ah xaga qaaraanka iyo bixinta magta , waxaan uga hadli doonaa qaybta kuheeysa (lixda Cormle iyo lixda korfuusha) ee buuggan .
Arrintaas ayaa ka dhigan in beelaha wada dhashay ay qaarkood yihiin beelo waaweyn oo lagu tiirsan karo halka qaar kale oo ay walaalo siman yihiin xagga abtirsiimada ay yihiin beela yar yar oo ay tahay in laga gacan siiyo Qaaraanka iyo bixinta Magta.
KALMADA ABKEEY
Waxaad in badan ku arki doontaan buuggan dhexdiisa kalamada Abkeey oo micnaheeda yahay awoowehey hebel, waana ixtiraam iyo qaab lagu xushmeeyo dadkii asalka u ahaa qabiilka , waxaana lagu tarbiyeeyaa caruurta Cormale .
Waxaa ka reeban qof kasto oo Cormale ah marka uu reer kale oo qabiilka dhexdiisa ah uu tilmaamaayo in uu yiraahdo Reer hebel oo lama ogola taasi, waxaana waajib ku ah in uu yiraahdo Reer Abkeey hebel oo ka dhigan xurmo loo haayo awoowayaashii hore ee qabiilka .
Tusaale : sida Abkeey Cerinte , Abkeey Ciise , Abkeey Aydoonle sidaas ayaa lagu wadayaa beel kasata iyo jifo kasta marka aan dooneyso in aan sheegno magaca jifooyinka iyo jilibyada qabiil Cormale .
Ninkii si kale u sheega waxaa ka yaalo xeer ciqaabeed u gaar ah , caruurtana waaba lagu canaantaa ama waa lagu tumaa haddiiba ay afkoodaba ka soo baxdo oo laga maqalo .
BEELAHA KA BAXA QABIILKA CORMALE
CERINTE
Cerinte waa beel adeer ama waalid u ah beelaha kale Cormale sida aan hore u soo sheegnay hadana kamid ah qaybaha waaweyn ee Cormale waxaa ka baxda saddex (3) beelood oo kala ah :
1 -Muuse .
2- Maskiin Waaq.
3- Tol Ciise.
GARLABE waa curudkii Cormale , waxaa ka baxda lix (6) beelood oo kala ah:
1- Maxamed Aw Bakar.
2- Axmed Nuurre.
3 – Tol Yaaquub.
4- Ayadoonle.
5- Ahaloow.
6- Cusmaan Dheere.
MEYLE waa wiilkii labaad ee Cormale waxaa uu u qaybsamaa shan (5) qaybood oo asal ah oo ay ka farcmaan beela badan , guud ahaan waa (13 ) beelood .
- Jidgaal Mayle.
- Laagoow Mayle.
- Cumar Mayle.
- Xasan Mayle (Fasaxle).
- Gambooleen Mayle.
(Fiira Gaar ah) : Sagaalka (9) beelood ee kale waxaa ay dhamaantood ka baxaan Gambooleen Mayle oo waa farac.
Waxaa jira beela ka farcama qaybo kamid ah Gambooleen, haddana kamid ah beelaha ugu badan Mayle, waana sababta ay dad badan u dhahaan Garlabe, Gambooleen iyo Cerinte , marka laga hadlaayo qabiilka Cormale .
GAMBOOLEEN MEYLE
Waxaa uu u kala baxaa labo kala ah War-adag Gambooleen iyo Ulac Gambooleen .
- WAR,ADAG GAMBOOLEEN:
Waa Waladeeye , waa hal (1) beel oo kamid ah beelaha Cormale kana baxda Gambooleen Meyle .
- ULAC GAMBOOLEEN :
waxaa ka farcama shan (5) beelood oo mid kamid ah shantaas beelood ay u qaybsami doonta beela kale oo waaweyn,waana sidan :
- Afgaab Ulac.
- Isaaq Ulac .
- Sama-arag Ulac.
- Sama-rabe Ulac.
- Yibidhaale Ulac
Fiira Gaar ah: Shanta ilma Ulac afar kamid ah waxaa ay weli baaqi ku yihiin magacii asalka ahaa ee ilmo Ulac Gambooleen , marka laga reebo Afgaab Ulac oo ay ka baxaan beela kale oo farac ah:
Afgaab Ulac waxaa ka baxda afar (4) beelood oo farac ah haddana kamid ah beelaha waaweyn ee qabiilka waa seddexda (3) Abrabe Afgaab iyo adeerkood oo ah Mataana Afgaab, waana sidan :
- MTAANA AFGAAB.
- ABRABE AFGAAB waxaa ka baxda seddex (3) beelood oo kala ah :
- Ciise Abrabe
- Ismaaciil
- Saleemaal
Halkaa waxaa ku dhan beelaha qabiilka Cormale uu ka kooban yahay ama uu ku abtirsado asal iyo farac intaba oo ah (22) beelood.
Fiira Gaar ah : dhammaan beelaha faraca ah waxaa ay ka baxaan Mayle gaar ahaan Gambooleen Meyle .
BEELAHA CORMALE IYO JIFOOYINKA OO FAAH‑FAAHSAN
Halkaan ka baro haddii uu Allah idmo sida ay u kala baxaan beelaha Cormale iyo jifooyinka ka baxa beel kasta oo faah‑faahsan , sidoo kale jilibyda hoose ee ka baxa jifooyinka oo faah‑faahsan.
CERINTE
Cerinte waa asal ka mid ah Cormale waxaana ka baxda seddex (3) beelood waana sidan beel kasta iyo jifooyinka ka baxa oo faah‑faahsan:
1—MUUSE waxaa uu u qaybsamaa seddex jifo oo kala ah:
A: Abkeey Aamin waxaa ka baxda seddex jilib oo kala ah .
- Hiloowle
- Gaabane
- Guuleed
B: Abkeey Cali waxaaa uu u kala baxaa laba jilib .
1- Cabdi
2- CabdulleAbkeey
C: Wehelow waxaa uu u kala baxaa afar jilib .
- Idirs
- Rooble
- Gaaboow
- Maxamuud
2 – MASKIIN‑WAAQ waxaa ka baxda labo (2) jifo oo kala ah Makaraan iyo Maxaad :
A: Abkeey Cusmaan Makaraan waxaa uu u kala baxaa seddex jilib .
- Maxamed Cusmaan
- Cumar Cusmaan
- Macaaneey Cusmaan
B: Abkeey Maxaad waxaa uu u kala baxaa seddex jilib oo kala ah .
- Nuur Maxaad
- Xassan Maxaad
- Aadam Maxaad
F.G ah : waxaa jira jilibyo kamid ah Abkeey Cusmaan Makaraan oo lagu magacaabo Abow Roorow oo gaar ahaan ka baxda Cumar Cusmaan Makaraan oo hadda kamid ah Raxanweyn gaar ahaan qabiilka Geeladle , waxaa ay bah‑wadaag yihiin jifada lagu magacaabo Gaalbuudle waxaa kala dhaxeeya dhalsha xaga hooyada ah ee sheegad kuma ahan halkaas .
Sidoo kale waxaa jira jifo kale oo Cerinte ah kana baxda Abkeey Maxaad Makaraan oo Hiiraan degan kana tirsan Gaaljecel – Caloofi ( Yibar Caloofi ) oo lagu magacaabo reer AW‑NUUR XASSAN oo Xassan Maxaad ah .
3‑TOL‑ CIIS waxaa ka baxda labo (3) jifo oo kala ah:
- Abkeey Berkaan Iidle ( Berkaan Geelle ) .
- Abkeey Caalim Iidle.
- Abkeey Cabdi Iidle .
GARLABE:
Garlabe waa asal waxaana ka baxda lix (6) beelood oo ah sidan soo socota:
A: MAXAMED AW BAKAR (Tolwayne) waa beel kamid ah beelaha Cormale kana baxda Garlabe marka hore waxaa uu u kala baxaa labo kala ah RASWAAQ iyo MAHIIBAAN :
Waxaa uu u qaybsamaa guud ahaan (9) jifo waxaana loo yaqaanaa sagaalka Maxmaed Aw Bakar .
1: MAHIIBAAN :
waxaa uu u qaybsamaa labo kala ah Kashameys iyo Maara-gal, oo mid kasto oo kamid ah uu dhalay labo sidaa darted waxaa la dhahaa afarta (4) Mahiibaan .
A: Kashameeys Maxamed : waxaa ka baxa labo jifo oo kala ah :
1- Abkeey Xaad
2- Abkeey Cabdille
B: Maara-gal Maxamed : waxaa ka baxa labo jifo oo kala ah :
-
-
- Hiirgade .
- Coomaarre .
-
2: RASWAAQ :
waxaa uu u qaybsamaa (5) shan jifo waxaana loo yaqaanaa shanta abkeey Raswaaq.
- Abkeey Maalin .
- Abkeey Goosaar .
- Abkeey Sadkeey .
- Abkeey Roqor .
- Abkeey Waxara-fuulis.
Wadarta guud waa (9) waxaa halkaan ku dhan sagaalka Maxmaed Aw Bakar, waxaana jira jilibya hoose oo ka farcamo jifooyinkaan sagaalka ah.
(Fiira Gaar ah ): Waxaa jira qaybo kamid ah jilibyada ka baxa jifooyinka Maxmaed Aw Bakar oo hadda bah‑wagaag la ah ama ka mid ah qabiilka Biyamaal.
F.G : Beehsha Maxamed Aw Bakar waxaa ay ahaayeen hogaamiyaasha qabiilka Cormale laga soo bilaaba boqortooyadii Abkeey Wacaaysuge oo soo maamushay qabiilka waqti aad u dheer oo lagu qayaasay in ka badan shan boqol oo sano (500) marka aan eegno sida ay isu dhexleen iyo inta jeer oo ay la kala wareegeen dhexlka boqortooyada , qaybaha dambe ee buuggan ayaan kaga hadli doonaa haddii Allah idmo .
Hoggaanka Cormale waxaa ay ku wareejiyeen beesha Ciise oo waxaan sheegi doonaa sababta ay ugu wareejiyeen iyo waqtiyadii ay soo maamuleen Ciise qabiilka , sidoo kale waxaan sheegi doonaa dad kale oo aan kamid ahayn reer ugaask oo ka soo mid noqday hogaanka qabiilka haddii uu Allah idmo .
B – AXMED NUURRE :
Waa beel kamid ah beelaha Cormale kana baxda Garlabe , waxaa ka baxda seddex (3) jifo oo kala ah :
1- Cumar Axmed : waxaa ka baxda seddex jilib oo kala ah .
A: Cabdiraxmaan Cumar
B: Yuusuf Cumar
C: Cabdille Cumar
2- Maxamed Axmed : waxaa ka baxda afar jilib oo kala ah .
A: Reer Abkeey Axmadeey Iidoow
B: Abkeey Aadam Cusmaan
C: Reer Abkeey Cabdala Kuusoow
D : Reer Abkeey Muudeey Axmed
3- Aadam Axmed (Kuuloow) : waxaa ka baxa .
- Reer Aw Macalim .
Fiira Gaar ah :
Waxaa jira jilibya ka baxa beesha Axmed Nuurre gaar ahaan qayba ka baxa Maxamed Axmed oo hadda ka mid ah qabiilka Garre waxaa ayna degaan degmada Ceel-waaq, Kenya .
C –TOL-YAAQUUB :
Waa beel kamid ah beelaha Cormale kana baxda Garlabe waxaa uu u qaybsamaa marka hore labo kala ah Talasame iyo Maxamed .
Waxaa ka baxda lix jifo guud ahaan waxaana loo yaqaanaa lixda (6) Tol‑yaaquub .
A: TALASAME : waxaa ka baxda (5) jifo oo kala ah :
- Abkeey Cali Abroone .
- Abkeey Adam Abroone .
- Abkeey Abokar Abroone .
- Abkeey Shimbir .
- Abkeey Cabdalle .
B: MAXAMED : waxaa ka baxda hal jifo oo ah:
- Abkeey Ilinduug .
Halkaan waxaa ku dhan lixda jifo ee Tol-yaaquub , waxaana jira jilibyo hoose ka farcama jifooyinkan .
Waxaa jira qaybo kamid ah Tol-yaaquub gaar ahaan Ilinduug oo dega Shabeelada Hoose oo xilfi iyo bah-wadaag la ah beelaha Shanta Caleemood .
D—AYADOONLE :
Waa beel kamid ah beelaha Cormale kana baxda Garlabe waxaa uu u kala baxaa seddex (3) jifo:
- Abkeey Xaaji Faarax
- Abkeey Makaraan
- Abkeey Cabdi Irib
Fiira Gaar ah: dadka waxaa ay dhahaan magaca AYDOONLE laakiin magaca oo rasmi ah ama sida saxda ah waa Ayadoonle .
E—AHALOOW :
Waa beel kamid ah beelaha Cormale kana baxda Garlabe waxaa uu u kala baxaa seddex (3) jifo oo kala ah:
- Abkeey Oday.
- Abkeey Abiikar.
- Abkeey Huudoow.
F—CUSMAAN DHEERE :
Waa beel kamid ah beelaha Cormale waana beelaha ka baxa Garlabe waxaa ka baxda labo (2) jifo :
- Abkeey Maxamuud
- Abkeey Tiirre guul
Halkaan waxaa ku dhan beelaha ka baxa Garlabe iyo jifooyinka ka farcama.
MEYLE :
Meyle waxaa uu u qaybsamaa beelo asal ah iyo beelo kale oo farac ah qaarkood ayaa sii dhex mara qaar kale xagga abtirsiimada haddana waqti xaadirkaan waa beelo u siman qabiilka dhexdiisa .
1- LAAGOOW MEYLE : Waa beel kamid ah beelaha Cormale kana baxda Meyle waxaa uu u kala baxaa Labo jifo oo kala ah Faqi Cumar iyo Faqi Cali.
A : FAQI CUMAR waxaa ka baxda shan (5) jilib
1 . Cabdi Faqi Cumar .
2 . Kulmiye Faqi Cumar .
3 . Jiriil Faqi Cumar .
4 . Cismaan Faqi Cumar .
5 . Idiris Faqi Cumar .
B : FAQI CALI waxaa ka baxda seddex (3) jilib :
- Amin Cusman
- Abiikar Cusman
- Aboow Hafoow
(Fiira Gaar ah) : Aboow Hafoow waxaa ay qayb ka yihiin waqti xaadirkaan qabiilka XARYIN gaar ahaan Hoon , gaar ahaan Hoon wayne – Idimoole, waxaa ay qaaraan wadaag la yihiin jifada Berre Dhurre.
Qabiilka Xaryin iyo Cormale waxaa ka dhaxeeya xariir dhaqan iyo dhalasho oo aad u adag muhiimad gaar ahna u leh labada dhinac iyo xeerar kale.
2—JIDGAAL MEYLE
Waa beel kamid beelaha Cormale kana baxda Meyle waxaa uu u kala baxaa labo kala ah Maxaad Huudow iyo Cabdalla Huudow oo mid kasta oo kamid ah waxaa ka baxa seddex (3) jifo , wadarta guud waa lix (6) jifo Jidgaal Mayle :
A : Abdalla Huudoow : waxaa ka baxda seddex (3) jifo oo kala ah :
- Reer Aw Hilowle.
- Reer Aw Hassan .
- Reer Aw macalim Cabdille
B: Maxaad Huudoow : waxaa ka baxda seddex (3) jifo oo kala ah :
- Reer Abdi Gaboobe
- Reer Abroone
- reer Osmaan Aaboow .
3 – CUMAR MEYLE
waa beel ka mid ah beelaha Cormale kana baxda Meyle , waxaa ka baxda labo jifo oo kala ah :
- Abkeey Cali Yaroow.
- Abkeey Maalmeey.
Beeshaan Cumar Mayle waxaa ay qayb muhiim ah ka tahay qabiilka Xaryin gaar ahaan Hoon waxaa ay ka sii tahay Hoon yare oo u kala baxa Yibidhe iyo Aw‑yare gaar ahaan Cumar Meyle waa Aw-Yare .
4—XASAN MEYLE:
Xasan Meyle oo sidoo kale loo yaqaano “Fasaxle Mayle” waxaa uu weli baaqi ku yahay magaciisii asalka ahaa ee Xasan Meyle waxaa ay qayb ahaan degaan magaalada degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose , sido kale waxaa jira qaybo kale oo dega Baydhabo qaybtaan waxaa ay kamid yihiin qabiilka Xaryin gaar ahaan Hoon yare-Yibidhe /Aarag.
5—GAMBOOLEEN MEYLE
Waa beel kamid ah Cormale waxaa uu u kala baxaa labo kala ah Ulac Gambooleen iyo War-adag Gambooleen:
1- WAR‑ADAG Gambooleen (Waladeeye) waa beel kamid ah beelaha Cormale kana baxda Mayle waxaa uu u qaybsamaa labo Xasan waladeeye iyo Cumar Waladeeye.
A : Xasan Waladeeye : waxaa ka baxa :
1 : Maxamed Xasan oo Dumaale ah, waxaana ka farcama seddexda jilib ee Dumaale oo kala ah .
- Cali Warsame Sahal Adeer-faay Yibirow Hindoole Dumaale.
- Aamin Waasuge Adeer-faay Yibirow Hindoole Dumaale.
- Abkeey Hibi (Hibi Cadde) Rooble Iribaay Hindoole Dumaale.
iyo Sama-rabe Ulac oo bah‑wadaag la ah Sama-rabe Ulac hadda waxaa loo yaqaanaa Abkeey Sheekh.
(Fiira Gaar ah ): guud ahaan jilibyada Xasan Walaeeye iyo Sama-rabe waxaa la isku dhahaa Dumaale .
B: Cumar Waladeeye : waxaa uu u kala baxaa labo jifo oo kala ah :
- SACAD .
- Kitaab Doone.
Sacad waxaa uu dhalay Dawaale , waxaana ka baxda afar ( 4) jilib
- Irib Dawaale.
- Axmed Dawaale.
- Cumar
- Makaraan Dawaale.
Kitaab doone : waxaa uu dhalay Celi waxaana ka baxda afar ( 4) jilib oo kala ah :
- Xalane Walaal Sugaay
- Maxamed Walaal Sugaay Celi .
- Cabdi Walaal Sugaay Celi .
- Aadam Walaal Sugaay Celi .
waxaa ku dhan halkaan jifooyinka ka baxa beesha Waladeeye oo ah (3) jifo waxaana lagu soo koobaa guud ahaan Dumaale, Dawaale iyo Celi.
(Fiira Gaar ah) : waxaa jira qaybo kamid ah Waladeeye oo bah‑wadaag la ah qabiilka Garre waxaa ay degaan Afgooye iyo Qoryooleey iyo guud ahaan Shbeellada Hoose.
2- ULAC GAMBOOLEEN
waxaa ka baxa belaha faraca ah ee Cormale , sidoo kale waxaa baxa beelaha ugu badan Meyle .
Waxaa ka baxda shan (5) beelood oo mid kamid ah oo ay ka sii farcamaan beela kale qabiilka ah :
- Sama-arag Ulac waxaa uu weli baaqi ku yahay magacii asalka ahaa ee Sama‑arag waxaa uu bah‑wadaag la yahay beesha Ciise gaar ahaan Maxaad-faay xagga qaaraanka iyo arrimaha kale ee qabiilka muhiimadda u leh .
- Yibidhaale Ulac sidoo kale waxaa uu weli baaqi ku yahay magacii asalka ahaa ee Yibidhaale Ulac waxaa uu bah‑wadaag la yahay xagga qaaraanka iyo bixinta Magta beesha Abkeey Ismaaciil gaar ahaan Abkeey Ahal .
- Isaaq Ulac waxaa uu weli baaqi ku yahay magacii asalka ahaa waxaa loo yaqaanaa Abkeey Cali oo ah Cali Abroone Isaaq Ulac beeshaan hadda waxaa ay qayb muhiim ka tahay CERINTE gaar ahaan Abkeey Muuse .
- Sam-rabe Ulac sidoo kale waxaa uu baaqi ku yahay magacii asalka ahaa ee Sama‑rabe ulac , beeshaan waxaa ay qayb ka tahay Waladeeye gaar ahaan Dumaale xagga qaaraanka iyo arrimaha kale ee qabiilka , sidoo kale waxaa hadda loo yaqaanaa Abkeey Sheikh .
- Afgaab Ulac : waxaa ka baxa beelaha ugu waaweyn Meyle .
Beelaha ka baxa Ulac Gamboleen Mayle ee afarta ah ee aan kor ku soo sheegnay ee weli baaqiga ku ah magacii asalka ahaa ee ilmo Ulac Gamboleen waxaa loo yaqaanaa (Ulac Gaa‑Gaab ) marka laga reebo Afgaab Ulac Gambooleen oo ay ka baxaan beelaha ugu faracsan Cormale xagga abtirsiimada .
AFGAAB ULAC
Waxaa uu u kala baxaa labo kala ah Mataana Afgaab iyo Abrabe Afgaab , waxaa ka baxda afar (4) beelood oo kala ah seddexda Abrabe iyo adeerkood oo Mataana ah :
1—MATAANA AFGAAB waxaa uu u qaybsamaa labo kala ah Mataana Cade iyo Mataana Madoobe .
Beesha hadda loo yaqaayo Mataana waxaa ay ka baxdaa mataana cadde , waxaana la dhahaa Abkeey Abiikir Dhaayoow .
Beeshaan waxaa ay bah-wadaag la tahay beesha Abkeey Ismaaciil gaar ahaan Abkeey Ahal xagga arrimaha qaaraanka iyo bixinta Magta iyo guud ahaan howlaha kale ee qabiilka muhiimada u leh .
Fiira Gaar ah : waxaa jira qaybo kale oo mataana ah oo ku dhex jira beela kale oo isla Cormale dhexdiisa ah sida tol‑yaaquub iyo Ciise .
2—ABRABE AFGAAB
waxaa ka baxda seddex beelood oo kala ah :
- Ciise .
- Ismaaciil .
- Saleemaal .
Seddexda Abrabe waxaa la dhahaa seddexda aan seddex dhalin oo mid kasta oo kamid ah waxaa uu dhalay labo (2) Waana sidan soo socota :
A-ISMAACIIL :
waa beel kamid ah beelaha Cormale kana baxda Gambooleen Meyle wxaa uu u qaybsamaa labo kala ah : XASSAN iyo MAXAMED .
1—Maxamed Ismaaciil waxaa uu u kala baxaa labo kala ah Cumar iyo Cabsiye .
A: Cumar Cabdi waxaa uu u kala baxaa (5) jilib
1- Xassan Cumar
2-Aadam Cumar
3- Cusman Cumar
4- Cali Cumar
5- Mohamud Omar
B: Cabsiye Warid waxaa uu u kala baxaa labo jifo kala ah Abkeey Maxaad iyo Abkeey Ahal :
Abkeey Maxaad waxaa ka baxda labo jilib oo kala ah:
1- Abkeey Abiikir Maxaad
2- Abkeey Aadam Maxaad
Abkeey Ahal waxaa ka baxda seddex (3) jilib oo kala ah :
- Abkey Abiikir Ahal .
- Abkeey Maxamuud Ahal .
- Abkeey Axmed Ahal .
(Fiira Gaar ah) : jifadaan Abkeey Ahal waa jifo ballaaran waxaana ka baxa jilibyo hoosaadyo kale oo tira badan .
Waxaa jira sidoo kale jifooyin kale oo Cormale ah oo bah‑wadaag la ah Abkeey Ismaaciil gaar ahaan Abkeey Ahal dhanka qaaraanka iyo bixinta Magta waa beelaha kala ah Yibidhaale iyo Mataana .
Waxaa jira sidoo kale jifo ka baxda Abkeey Ismaaciil gaar ahaan Abkeey Ahal oo hadda kamid ah Ajuuraan , jifadaas oo lagu magacaabo Bixin‑Same qayb ahaan waxaa la yiraahdaa Wehliye waxaa ay ka baxdaa Axmed Khalaf .
Fiira Gaar ah : Bixin-same waa Ajuuraan waxaa uuna u kala baxaa labo kala ah Wehliye iyo Walaall oo ah jilibyada uu ka kooban yahay Bixin‑same .
Labada jilib ee Bixin-Same waxaa ay wadaagaan oo kaliya hooyada , Wehliye asal ahaan waa Cormale halka Walaal uu asal ahaan yahay Ajuuraan laakiin hadda waa Ajuuraan labadaba .
2– Xassan Ismaaciil waxaa uu u kala baxaa labo kala ah Abkeey Xaaji iyo Abkeey Kuusoow .
Abkeey Kuusoow waxaa ka baxda shan (5) jilib
- Abkeey Aadam Kuusoow .
- Abkeey Maxamed Kuusoow .
- Abkeey Idiris Kuusoow .
- Abkeey Mataan Kuusoow .
- Abkeey Xassan Kuusoow .
Fiira Gaar ah : inta aan baaritaanka wadnay marna ma arkin qof ama qoys ku abtirsada Abkeey Xasan Kuusoow .
Waxaa jira jilibyada Abkeey Kuusoow qaar kamid sida Adam Kuusoow iyo Mxamuud Kuusoow oo degan Shabeellada Hoose gaar ahaan Afgooye halka labada jilib ee kala ah Mataan kuusoow iyo Idiris kuusoow ay ka mid yihiin Cormale – Kismaayo .
Abkeey Xaaji waxaa ka baxa shan (5) jilib oo kala ah :
- Cumar Xaaji .
- Maxamed Xaaji .
- Muudeey Xaaji .
- Miixaan Xaaji .
- Xasan Xaaji .
Halkaan waxaa ku dhan (20) ka jilib ee Abkeey Ismaaciil .
B—SALEEMAAL
waa beel kamid ah beelaha Cormale kana baxda Gambooleen Meyle wxaa uu u kala baxaa labo kala ah Yacquub iyo Jibraa,iil .
1- Jibraa,iil waxaa ka baxda labo jifo (2) oo kala ah
Abkeey AFLAXA waxaa ka baxda
- Abkeey Axmed Aflaxa
- Abkeey Cali Aflaxa
- Abkeey Maxamed Aflaxa
Abkeey Xersi waxaa ka baxda lix (6) jilib oo kala ah :
- Abkeey Huud Xersi .
- Abkeey Cumar Xersi .
- Abkeey Maxamed Xersi .
- Abkeey Sheekh Xersi .
- Abkeey Xassan Xersi
- Abkeey Geedi Xersi
2. Yacquub
Abkeey Yacquub waxaa ka baxda labo jifo oo kala ah Xassan Cali iyo Dalab Yacquub :
Abkeey Xassan Cali waxaa ka baxda
- Reer Aw Jibriil
- Reer Aw Maxamuud
- Reer Aw Fareey
F.G ah : ma arkin qof ama qooys ku abtirsada Reer Aw Maxamuud inta aan baartiaankan wadnay
Abkeey Dalab Yacquub : waxaa ka baxda Dalab Yacquub seddex jifo ( 3 ) oo kala ah :
1- Abkeey Gacal Mataan Dalab Yacquub Saleemaal .
2- Abkeey Maxamed Mataan Dalab Yacquub Saleemaal .
3- Abkeey Cabdi Mataan Dalab Yacquub Saleemaal .
- Abkeey Cabdi Mataan : waxaa ka baxa Walaal‑Faay oo ay ka baxa labo jifo oo kala ah :
Abkeey SOOMANE Walaal-faay waxaa ka baxda
1- Abkeey Xassan Soomane
2- Abkeey Gaafoow Soomane
Abkeey CALI AXMED Walaal‑faay , waxaa ka baxda :
- Cumar
- Coloow
- Caalim
(fiiri gaar ah): jifooyinka Abkeey Xersi iyo Walaal‑Faay waa ka baxa jifooyinka ugu ballaaran qaybaha Abkeey Saleemaal , waxaa jira Jifooyin kale oo Yacquub Saleemaal kamid ah oo hadda aan qayb ka ahayn qabiila Cormale sida :
- Abkeey Gacal Mataan :
Waxaa uu qayb ahaan kamid yahiin qabiilka Xaryin‑Hoon si gaar ah waxaa ay bah‑wadaag yihiin Yibidhe , sidoo kale waxaa jira qaybo kale oo Abkeey Gacal Mataan ah ay kamid ah Cormale – Kismaayo .
- Abkeey Maxamed Mataan :
Beeshaan sida ay u dhantahay waxaa ay kamid tahay qabiilka Xaryin gaar ahaan Hoon – Hoon Yare si gaar ah Yibidhe waxaa la dhahaa : Reer Aw Maadoow Edaaw iyo Reer Aw Isaaq Edaaw ( reer aw Maadoow Cadoow iyo reer Aw Isaaq Cadoow ) .
Fiira Gaar ah : jifooyinkaan qabiilka Xaryin sheegad kuma dhex ahan ee waa horfadhiga qabiilka, waxaa jiray heshiis ay qayb ka ahaayeen oo loo yaqaano heshiiskii Buri Liibaan sida ay inoo sheegeen odayaasha taariikh ee reer Baydhabo .
Waxaa jirta kalmad caan ka ah qabiilka Xaryin dhexdiisa taas oo ah ( Aboogaa ballantii Buri Liibaan roogaay ) erayadaan oo uu micnahooda yahay awoowaa ma joogay ballantii buri liibaan .
Ballantii Buri Liibaan waxaa ay ahayd meel ay ku heshiiyeen Hoon iyo Waraasiile oo ah qaybaha uu ka kooban yahay qabiilka Xaryin .
Qaybaha Cormale ee aan soo sheegnay waxaa ay qayb ka ahaayeen heshiiskaas waxaan ku faah‑faahin doonaa haddii uu Allah idmo qaybaha soo socda ee buugan ballantii buri liibaan iyo balaayadii Aashoow .
Waxaa xusid mudan jifooyinka iyo jilibyada Cormale ee qaybta ka ah qabiilka Xaryin dhamaantood waxaa ay ka baxaan Meyle .
C—CIISE
Waa beel kamid ah beelaha Cormale kana baxda Gambooleen Meyle , waxaa uu u kala baxaa labo waa Cumar iyo Cabdiraxmaan .
1—Cumar waa Abkeey Cusmaan Cumar oo kaliya waxaa ay hadda bah-wadaag la yihiin xagga qaaraanka iyo bixinta magta qaybaha kale ee Ciise ah gaar ahaan Maxaad-Faay – Cumar Maxaad-faay .
2—Cabdiraxmaan waxaa ka baxa Cabdimajiid oo ah
Cabdimajiid Maxaad Madoobe Cabdiraxmaan Ciise , waxaa uu u kala baxa labo kala ah :
- Maxaad‑Faay Cabdimajiid .
- Duqoow Cabdimajiid oo ah ( Duqoow Cabdimajiid waa odayga ay ku abtirsadaan Macaaneey iyo qayba kale oo Ciise ah ) .
Waxaa guud ahaan beesha Ciise loo yaqaanaa hadda Macaaneey iyo Maxaad-Faay oo kaliya , laakiin waxaa jira jifooyin kale oo beesha Ciise ah oo aan Macaaneey iyo Maxaad‑Faay midba ahayn.
Beelahaas sidoo kale hadda qayb kama ahan Cormale xagga dambe ayaan ku faah‑faahin doonaa haddii uu Allah idmo .
Waxaa xusid mudan in aan tilmaano Macaaneey in uu yahay farac halka Maxaad-Faay uu waalid u yahay xagga abtirsiimada sida aad xaga hoose ku arki doontaan haddii uu Allah idmo dhanka kale hadda waa beela wada siman qabiilka dhexdiisa .
A: MAXAAD‑FAAY waxaa uu u kala baxaa labo kala ah :
1—Suufiin oo ah ( Abkeey ugaas) waxaa ka baxda seddex jilib oo kala ah :
- Abkeey Xaaji Suufiin .
- Abkeey Cumar Suufiin .
- Abkeey Caalim Suufiin .
Abkeey Caalim suufiin waxaa ka baxa jilibya hoosaadyada ku qoran halkan .
- Cumar Caalim Suufiin .
- Cali Caalim Suufiin .
- Cusleey Caalim Suufiin .
- Isloow Caalim Suufiin .
- Ciisoow Caalim Suufiin .
- Maxamuud Caalim Suufiin .
(Fiira .Gaar ah ) intii aan baristan wadnay ma arkin qof ama qoys kamid ah jilibka Ciisoow Caalim Suufiin waan maqalnay oo kaliya.
F.G: Bahdaan Abkeey Caalim Suufiin waxaa ay ahaayeen ugaasyadii soo maamulay Cormale waqtigii ugu dheeraa ee lagu diiwaan geliyay taariikhda Cormale ilaa iyo shan boqol iyo kontan sano (550) ayay soo maamulayeen kadib beesha Wacesymuge gaar ahaan Maxamed Aw‑Bakar oo horay u hayn jiray saldanada qabiilka kuna wareejiyay Ciise , sababta keentay in lagu wareejiyo beesha Ciise ka akhriso qaybta hogaanka dhaqanka iyo sooyaalka ee Buuggan .
2— Cumar Maxaad‑Faay waxaa ka baxda (7) jilib waana sidan :
- Abkeey Maxamed Maxamuud .
- Abkeey Cabdi Maxamuud .
- Abkeey Muun Maxamuud .
- Abkeey Makaraan Maxaad .
- Abkeey Makaraan Cabdalla .
- Abkeey Abiikar Cumar .
- Abeey Cabid Cusmaan .
Waxaa intaan ku dhan jilibyada Maxaad‑Faay Cabdimajiid waxaana inoo xigi doona haddii uu Allah idmo Duqoow Cabdimajiid oo ay ka baxaan Macaaneey iyo Jifooyn kale waana sidan .
Fiir Gaar ah : waxaa jira jilibya ka soo jeeda Abkeey Maxaad‑Faay oo kamid ah qabiilada Xaryin iyo Harooow oo kamid ah beelaha Digil iyo Mirifle .
B : Duqoow Cabdimajiid waxaa uu dhalay Aamin.
Aamin waxaa uu dhalay Irib.
Irib waxaa uu dhalay labo kala ah Cali Irib iyo Axmed Irib :
CALI IRIB :
Waxaa ay qayb ka yihiin Raxanweyn gaar ahaan qabiilka Geeladlle waxaa ay bah‑wadaag la yihiin jifada lagu magacaabo Aboow Aadam Maxamed (Aboo Eeden Maamad ) .
Waxaa ay si gaar ah qaaraan wadaag yihiin Aboow Waag-Bariis oo u kala baxa Bah-yare iyo Bah-weyne ( Cali Irib waa Bah-weyne )
Waxaa ay degaan Cali Irib deegaanka Goorisane oo ku yaalo duleedka degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay waxaa ayna u qaybsamaan lix jilib waxaana uga caansan deegaankooda meesha loo yaqaano Warta Cali Irib .
AXMED IRIB :
waxaa uu u kala baxaa labo kala ah Guriyoow iyo Macaaneey :
- Guriyoow Axmed .
Guriyoow Axmed waxaa ay degaan degmada Buur‑Hakaba waxaa ay qayb muhiim ah ka yihiin qabiilka Eelaay – Bah-horaad waxaa la dhahaa (Nuurre Axmed) oo Guriyoow naaneys sida ay inoo sheegeen odayaasha taariikhda iyo Isirka Cormale aqoonta u leh .
Bah-horaad oo u kala baxa Bara iyo Leela , waxaa ay qaaraan wadaag yihiin Leela si gaar ah jifada lagu magacaabo Handab-dhal,aale .
Waxaa ay degaan reer Aw Guriyoow tuulooyin hoos yimaado degmada Buur-Hakaba sida : Waaf-dhaay , Warta Gunjaale , Golaay iyo Rooblaay .
- Macaaneey Axmed .
Waxaa uu u kala baxaa (4) jilib waxaana loo yaqaanaa afarta oday Macaaney iyo Cali Axmed oo bah‑wadaag la ah .
1- Cabdi Macaaney waxaa ka baxda
a- Abkeey Abiikar Jeela
b- Abkeey Aadam Buraale
2- Mxamed Macaaneey waxaa ka baxda shan jilib
a- Abkeey Abiikar Maxamed
b- Abkeey Axmed Maxamed
c- Abkeey Cali Maxamed
d- Abkeey Muuse Maxamed
e- Abkeey Aadam Maxamed ( reer gadaal u guur )
3- Cusmaan Macaaneey waxaa ka baxda
- Abkeey Abiikar Cusmaan
- Abkeey Aamin Cusmaan ( Qamda-weyn )
- Abkeey Cali Cusmaan
- Abkeey Cabdi Cusmaan ( Cabdoow soog )
- Abkeey Macoow Cusmaan
- Abkeey Aadam Cusmaan
- Abkeey Samatar Cusmaan
- Abkeey Yuusuf Cusmaan
- Abkeey Axmed Cusmaan ( Axmoow Qatal)
4- DIINI Macaaneey oo weli baaqi ku ah magacii asalka ahaa ee Diini Macaaneey .
5- CALI Axmed waxaa ka bada
- Coloow
- Cumar
- Caalim ( oo ah Caalim Axmed oo adeer u ah labada kore )
Fiira Gaar ah : Cali Axmed waxaa uu qayb weyn oo muhiim ah ka yahay jilibyada Macaaneey haddana asal ahaan waa Abkeey Saleemaal oo waa Yacquub – Walaal-Faay in badan oo Cormale ah ayaa dhaha “Saleemaal Diid” laakiin anaga inta aan baarista wadnay ma arkin meel ay ku diideen ama wax caddeeyn u noqan kara arrintaas .
CALI AXMED IYO MACAANEEY
waxaan soo ogaanay Cali Axmed in uu u tagay odaygii Macaaneey oo adeer u ahaa kuna noolaa dhulka soomaali galbeed ee Ethiopia haaysato .
Odaygii Macaaneey oo adeer u ahaa Cali Axmed ayaa soo dhaweeyay kana dhigtay sida wiilkiisa oo kale , waxaa uu u dardaarmay wiilashiisii in uu walaalkood yahay dhaxalkiisana uu wax ku leeyahay ninkii ka qadyaana waa uu habaaray .
Wiilashii odaygii Macaaneey qaar ayaa u diiday in uu dhaxalkii aabahood la qaybsado Cali Axmed , halka qaar kale ay ku dadaaleen in ay fuliyaan dardaarankiisi oo ah in uu dhaxalka la qaybsado Cali Axmed .
Dood dheer ka dib waxaa ay go,aan ku gaareen raggii doonaayay in ay fuliyaan dardaarankii odaygii Macaaneey in ay dib isugu celceliyaan qaybtii dhaxal ahaan u soo gaartay xoolahii si uu ula qaybsado walaalkood Cali Axmed .
Sidaa darteed waxaad ka fahmi kartaa qormadaan kooban Cali Axmed in uusan Saleemaal diid aheeyn sidoo kale uusan Macaaneey sheegad u aheeyn , waxaa kaliya oo ay ahaayeen walaalo ku kulmiyay meel ka fog dalkii iyo dadkii ay ka soo jeedeen .
Waxaa ka reeban qof kasta oo Macaaneey ah in uu yiraahdo Cali Axmed ma ahan Macaaneey iyo waxii lamid ah ayaga oo ogsoon in Cali Axmed uu ku abtirsada adeerkood oo Saleemaal ah haddana waa daradaaran guud oo adag oo ay ka soo gaareen duqii Macaaneey oo xitaa habaaray ninkii faraciisa ah oo Cali Axmed ma ahan Macaaneey yiraahdo .
Fiira Gaar ah : waxaa jira qaybo badan oo kamid Macaaneey iyo Cali Axmed oo hadda bah‑wadaag la ah qabiilka Dagoodiye , si gaar ah Macaaneey waxaa ay isku bah ama isku hooyo yahiin jifooyin kamid ah Dagoodiye waana sbabta keentay in ay si weyn isugu milmaan dhalashada guud ka soke .
F.G : qaybaha Macaaneey iyo Cali Axmed ee aan kor ku soo sheegnay waxaa ay degaan gobolada Soomaalida ee Ethiopia iyo Kenya .
WQ / H.E Maxamed Cumar Geedi
Waxaa qayb weyn ka qaatay soo diyaarinta , xog uruurinta iyo maal‑gelinta intaba aqoon yahan :
CALI Xuseen Ibraahim ( Matooriste )
Waxaa saxid ku sameeyay oo si gaar ah dhanka farsamada mahadi haka gaarto aqoonada kala ah :
- Maxamed Isaaq Maxamed (Ina Isaaq dheere).
- Abdiqaadir Macoow Booroow.