DEEGAANDA CORMALE
CORMALE waa qabiil ballaaran oo kamid ah qabaa,ilada Soomaaliyeed , waxaa uu degan yahay koofurta Somalia iyo dhulalaka Soomaalida ee dalalka deriska ah sida Kenya iyo Ethiopia , waxaana kamid ah gobollada uu dego qabiilka Cormale :
- Bay
- Gedo
- Jubbada Dhexe
- Jubbada Hoose
- Shabeelada hoose
- Banaadir
Gobolka BAY
waxaa uu ka deegaa Cormale gobolka Bay degmada
- Baydhabo oo ah xaruntii gobolka
- Degmada Diinsoor
- Raaxoole oo ah deegaan ballaaaran loona yaqaano Raaxoole Cormale ee duleedka degmada Diinsoor oo ay hoos yimaadaan tuulooyin iyo deegaano kale oo tira badan .
Deegaanka Raaxoole Cormale waxaa uu xuduuda ballaaran la leeyahay oo uu u dhaxeeyaa seddex degmo oo mid walbo ay qayb ka maamusho .
- Diinsoor ee gobolka BAY ah .
- Baardheere ee gobolka Gedo ah .
- Saakoow ee goblka Jubada dhexe ah .
Deegaanka Raaxoole oo ah deegaan ballaaran ,waxaa hoos yimaado tuulooyinka soo socda :
- Buula gaduud
- Buula kurmaan
- Xawaala Soomaali
- Danwaacaaleey
- Korkorka
- Raamo ‑Cadeey
- Guul‑guule
- Gooriyaay
- Shoodaa
- Koroow
- Galool‑oonle
- Jameeca
- Macoow Biya qaba
- War-Guduuda .
- Tafa‑tirine
- Horgoobooy
- Indha‑badan
- Shiid‑kuus
- Qoona‑Dooy
- Gumur‑Boor
- Garas‑Makaay
Dadka degan Raaxoole Cormale waa dad beeralay iyo xoola dhaqata intaba isuga jira , waxaa uu leeyahay deeganka ceelal biyoodyo taariikhi ah oo laga hergeliyay mudda 300 oo sano ka badan laga jooga iyo beero qadiimi ah iyo tuulooyin qarniyo soo jiray .
Gobolka Gedo
Waxaa uu qabiilka Cormale ka degan yahay degmada Baardheere iyo tuulooyin kale oo hoos yimaado degmada oo ay kamid yihiin :
- Hela‑Carmo
- Xanyaaleey
- Sharaaw
Dadka Cormale ee degan deegaanada ku dhaw degmada Baardheere ayaa u dadan dad beeraleey ah , beerahaas oo isugu jira beeraha ku yaalo Webiga jubba ee uu waraabiyo ( beer Matoor ) iyo beeraha ka fog webiga ama beeraha roobaka .
- Gobolka Jubbada Dhexe
Cormale waxaa uu kamid yahay dadka degan seddexda degmo ee uu ka koobayahay gobolka Jubbada Dhexe , waxaana ka mid deegaanada kale ee uu ku leeyahay .
Degmada Saakoow oo ay hoos yimaadaan deegaano uu qabiilka ka dego waxaa kamid ah :
- Deegaanka Booroow ( guri Cormale )
- Raamo Cadeey
- Labi‑buul
Degmada Bu,aale oo ah xarunta gobolka Jubbada dhexe Cormale waxaa uu ka mid ayahy qabiilada degan degmada .
Degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe waxaa uu kamid yahay dadka degan Cormale waxaana kamid ah :
- Xarunta degmada Jilib oo ay ka mid yihiin dadka degan
- Degaanka Xaramka Sheekh Cabdullahi .
4‑ Gobolka Jubbada Hoose
Waxaa kamid ah deegaanada uu qabiilka Cormale ka dego gobolka jubbada hoose waxaana kamid ah deegaanadaas :
Degmada Kismaayo iyo deegaana badan oo aad u ballaaran kuwaas oo hoos yimaado degmada sida .
- Tur‑Quto
- Shabeeley
- Yaaq‑Raar
- Yaaq Bishaaro
- Raydab Raaxo
- Burraa
- Gurmad
- Xawaal‑Jirri
- Xawaal‑Aw koofi
- KORON-UUSLE
- LAF-MALAAY
- QOD-QOD
- BOOREY
- BOOR-QAYLO
- FAREY-DHUUBOW.
- BIROOLE
- INGUUMI
- KOOYAAME
- JIIROOLE
Deegaanka DHAALAJO oo ay xarun u tahay Buula Xaaji iyo deegaanada hoos yimaado :
- Buula‑Xaaji
- Jaamac Carraale
- Istanbuul
- Beernaasey
- Cusbo
- Dharkeynley
- Filfille
- Qalameey
- Saa’idey
- Horrogeey
- Baaqooqo
DEEGAANKA KAAM JAROON:
- Kaam‑Jaroon
- Boor‑Qaaylo
- Goroomiste .
- Feer‑Sagaaro .
- Yaaq‑Biraal .
- BUQUSA
- BURAA‑DUUR
- KAAM KALIIL
- YAAQ XALUUL
- FILOW
- FILOW GARAS
- SALAAN SAMEEY
Beesha BEER‑XAANI iyo deegaanada hoos yimaado
- Laanta‑Macalim Shabac .
- Cabdi dhoore
- Guraangurow
- Lebi‑kuus
- Dhaalajo
- Buula hareeri
- Maduulow
DEGMADA BADHAADHE
Degmada BADHAADHE iyo tuulooyin hoos yimaado ee uu qabiilka Cormale degan yahay waxaa kamid ah deegaanada soo socda waana sida :
- Abaa Looleey
- Dacaareey
- Hulfaa
- War‑seesa
- Kolaa
- Xaliimo‑caddeey
- Lakooleey
- Deeta
- Garuur
- Jalleti
DEGMADA JAMAAME .
Qabiilka Cormale waxaa uu degaa degmada Jamaaame iyo deegaanada Gosha guud ahaaan qaybaha uu ka mara webiga Jubba gobolka Jubbada Hoose sida :
- Jamaaame
- Kaba Suuma
- Buula Gaduud
- Yoontooy
- Magaanboow
- Qaamqaam
- Baar Samguuni
- Jarmalka
- Warkooy
- Istambuul
- Xaaji Weyne
- Goob‑weyn
5.Gobolka Shabeelada hoose
Waxaa kamid ah deegaanada uu qabiilka cormle ka dego gobolka Shabeelada Hoose sida : degmooyinka Afgooye iyo Qoryooleey iyo deegaano hoos yimaado waxaana ka mid ah .
- Dhdhacle
- Dhees
- Duduble
Deegaanadaan dadka ku nool ayaa u badan dad xoola dhaqato ah iyo beeraleey sidoo , kale deegaanadaan ayaa u dhaxeeya degmada Afgooye iyo degmada Daafeed waxaa ay u dhaw yihiin kana xigaan goonfurta galbeed deegaanka Warmaxan .
6‑ Gobolka Banaadir
Cormale waxaa uu kamid yahay dadka soomaaliyeed ee caasimada dalka degan , waxaa ay caasimada dalka hooy u tahay inta badan dadka soomaaliyeed .
DEEGAANADII HORE
Cormale waxaa uu horay u deganaan jiray oo uu taariikh badan ku leeyahay gobalada goonfurta Soomaaliya , waxaana kamid ah deganaandii uu degaan jiray gobolada Hiiraan sida , galbeedka Beledweyn , Buula‑Burte iyo qayba kamid gobolk soomaalida Ethiopia gaar ahaan Qalaafe iyo deegaanada ku dhaw xuduuda Soomaaliya.
Waxaa ilaa iyo hadda laga heli karaa taariikhdii Cormale sida Dad ku haray deegaanadaas , magacyada deegaanada qaar kamid ah oo ilaa iyo hadda sidoodii loo isticmaalo , deegaanada qaar ayaa weli ku magacaaban jifooyinkii Cormale ee deganaan jiray magacyadooda
Waxaa sidoo kale kamid ah deegaanadii uu deganaan jiray qabiilka Cormale qaybo kamid ah gobolka Bakool iyo Bay gaar ahaaan deegaanada ku dhaw Degmada Baydhabo oo uu taariikh kale oo aad u badan ku leeyahay .
Deegaanadii uu Cormale uu ka deganaa Baydhabo markii aan cabir ka bixino guud ahaan barri iyo qorax dhac waa OORA ilaa iyo Bardhaale . ( East and West ) dhanka kale koonur iyo waqooyi waa Adeegoow ilaa iyo Aw‑Shine oo (shabeeloow ku taala) (Nouth and South).
Waxaa ay inoo sheegeen taariikhyahana uu kamid yahay aqoon yahan Sheikh Aadam Sheikh Saciid (Al‑Bardaali) oo wax badan ka qoray gobolada Alta Jubba iyo guud ahaan taariikhda Soomaalida kana mid ahaa dadkii wax laga weeydiiyay markii aan xog uruurinta ku jirnay ayaa inoo sheegay in deegaanadii Cormale ay kamid ahaayeen magacyada Goofafka oo aysan kamid ahayn Afka May-May da sida :
- Laba Goof gaduud
- Goof Maadaay
- Goof Dhuuboow
- Goof Xanshinle
- Goof Owsi
- Goof Cadow
- Goof Mareer
- Goof Eedeey
- Goof Galool
- Goof Yaroow
Sidoo kale waxaa ka muuqda magacya ay lahaayeen jifooyin Cormale ah qaarna waxaa weli degan dad Cormale ah sida Isha Aw Meyle , Cerente , Wabiyoow Cormale , Wara Garlabe , Wara Macaaneey iyo Mataana dhamaan waa waro biyoodya iyo ceelal .
Deegaanadaan ayaa isugu jira kuwa colaadii looga soo guuray iyo kuwa uu weli Cormale uu degan yahay .
Waxaa ay inoo sheegeen odayaashii taariikha ee aan kula kulanay Baydhabo sanado lagu magacaabo Talaadadii Cormale , Talaadadii Jidle iyo Talaadadii Talyaaniga .
- Talaadada Cormale oo ah markii ay colka lagu jebiyay ayaa ku beegnayd 1884 .
- Talaadadii Jidle oo sidoo kale ay colaad ka dhacday gobolada Alta Jubba ku jabeen ayaa xigtay talaadada oo ku beegnayd 1891 di .
- Talaadadii Talyaaniga uu yimid Baydhabo oo ahayd 14 sano kadib oo ku beegnayd 1912 di .
DEEGAANADII UU CORMALE DAGAY BAYDHABO KADIB
Cormale waxaa uu ka soo guuray Baydhabo waxaa uuna u soo wareegay dhulka loo yaqaano Qanax Balaar ,Raaxoole iyo ilaa Baardheere, diinsoor ilaa iyo Saakoow deegaanadaas oo ilaa hadda uu deegan yahay .
Cormale waxaa uu camiray laga bilaaba Baardheere , Saakoow ilaa webiga Shabeele laga soo gaaro ( Haawaay ,Baaleey , Cadaleey iyo Hela macalim ilaa iyo hara‑naqo ) waa dhulka u dhaxeeya labada webi, haddii aad dhageeysto gabaygii uu tiriyay Abwaankii weynaa ee Cormale ee Boorow Qoslaaye asaga oo faanaaya marka uu leeyahay
(Caasha iyo Celcellaan CERENTAA canshuur ka qaado)
Celcelaan waa Baardheere afkeeda oo webiga Jubba ah halka Caasha ay Webiga Shabeelle ku taalo oo Haawaay afkeeda ah.
Waxaa jira qaybo kale oo Cormale ah oo xilgaa u soo gudbay gobolada Basta Juba iyo qayba kale oo ka horeeyay oo joogay jubooyinka taariikhdooda waxaan ku sheegi doonaan buuggan qaybaha khuseeya imaanshahii Cormale ee jubooyinka .