Faalo
HORDHACA BUUGGA
Waxaan halkaan ku soo gudbin doonaa haddii uu Allah idmo Buug si guud iyo gaar ah intaba ugu hadli doona qabiilka Cormale taariikh ahaan iyo isir ahaan intaba, anaga oo idin kugu soo gudbin doona sidii ay inoo soo gaarsiiyeen odayaasha , waxgaradka iyo waayeelka qabiilka Cormale ee taariikhda .
Waxaa u istaagay arrintaan anaga oo ah dhalinyaro, aqoon yahanno iyo waxgarad kale oo ka soo jeeda qabiilka Cormale kadib markaan aragnay dad badan si bareer ah ugu xad‑gudbaya isirka iyo karaamada qabiilka Cormale .
Waxaan go’aansanay in aan buuggan qorno kadib markaan aragnay dad badan oo baraha ay bulshada ku xariirto ee loo yaqaano Social Media ku qora taariikh aan sax aheyn , taas oo dhaawac ku ah jiritaanka iyo karaamada qabiilka Cormale , dadkaas oo aan xitaa aqoon u lahayn cidda ay wax ka qorayaan iyo taariikha ay qorayaan intaba .
Bulsho walba waxay ku faantaa halka ay ka gaartay ilbaxnimada casriga ah iyo aqoonta ay u leedahay sooyaalkeeda taariikhda ee guunka ah , dhaqanka bulshaduna waxaa uu gundhig u yahay in lagu cabiro arrinkaas.
Dadka Soomaaliyeed oo asal ahaan u badan dad reer guuraa xoolo dhaqato ah iyo beeralley ayaa sabab u ah inta badan in aaysan u qornayn taariikhdooda si sax ah , taasi oo ka lumisay wax badan oo ku saabsan dhaqanka iyo taariikhda Soomaalida .
Qabiilka Cormale waxaa uu ka mid yahay qabiillada ugu taariikhda dheer bulshada Soomaaliyeed, balse aan wax badan laga qorin, taasi oo keentay in dad badan oo kala u jeeda ah ay ka qoraan taariikh aan sax aheyn , waana sababta ugu weyn ee keentay in aan u istaagno uruurinta iyo qorista buug ka turjumaayo taariikhda Cormale oo sax ah .
Buuggan waxaan uu ka kooban yahay qaybaha soo socda:
- Taariikhda guud ee qabiilka Cormale .
- Abtirsiimada iyo Isirka Cormale .
- Taariikhda hoggaankii dhaqanka iyo sooyaalka Cormale waqtiyadii hore iyo waqtiga dhaw intaba .
- Xeerarkii uu ku dhaqmi jiray qabiilka Cormale .
- Deegaanada uu dego Cormale iyo deegaannadii hore uu soo degay.
- Taariikhda colaadaha , nabadda iyo heshiisyada mid hore iyo mid dambe intaba.
- Burburkii dowladnimada iyo waqtigii colaadaha .
- Dowladnimada cusub iyo dhimaha dowlad gobleedyada iyo dowrka uu kaga jira qabiilka Cormale .
Waxaan dooneynaa in buuggan la baahiyo mar dhaw lana daaboco, sidoo kale lagu baahiyo Internetka inshaa Allah si ay dadka Soomaaliyeed wax badan uga fahmaan guud ahaan , gaar ahaan dadka ku abtirsada qabiilka Cormale .
SOO DHAWEEYN
waxaan soo dhaweeyneeynaa qof kasta oo xog cilmi ku dhisan, aqoon iyo waaya aragnimo ku soo biirin karo ama ku soo kordhin koro Buuggan gaar ahaan aqoon yahanada ka soo jeeda qabiilka Cormale maadaama uu khuseeyo taariikhdooda u gaarka ah .
AFEEF
waxaan ka cudur daarneeynaa haddii wax badan oo xog ah ay ka maqanaadaan ama aan lagu soo wada dhameystirin taariikhda qabiilka Cormale oo aad u ballaaran iyo buugga oo weli qabyo qoraal ah darteed waa soo dhammeeystiri doonaa hadii Allah idmo.
Waxaan sidoo kale ka cudur daaraneeynaa haddii jilibya ka baxa jifooyin qaar aan si fiican loogu sharixin ama ay qaar maqnaadaan , waxaan rajeeynaa in aan soo dhameeystiri doono inshaa Allah .
Sidoo kale waxaan ka cudur daaraneeynaa waxa aan qoreeyno oo ah taariikh waxaa la socda dhacdooyin dhinac walbo leh wanaag iyo wax kale intaba , waxaan u soo qaadan doonaa sida ay tahay taariikh kasta oo ma jiri doonta cid loogu darnaan doona ama loogu roonaan doona oo waa taariikh .
WQ/ MAXAMED CUMAR GEEDI
Waxaa qayb weyn ka qaatay qorista , xog uruurinta iyo maalgelinta intaba buugga aqoon yahan .
CALI XUSEEN IBRAAHIM (Matooriste)
Sidoo kale waxaa ka qayb qaatay xagga farsamada aqoonyahanada kala ah :
- Maxamed Isaaq Maxamed (Ina Isaaq dheere).
- Abdiqaadir Macoow Booroow.
MAHAD‑CELIN
Allah ayaa mahad dhammaanteed iska leh oo inoo suurta geliyay in aan qorno buuggan, kadibna waxaan u mahadcelineeynaa dhammaan dadkii ka qayb qaadatay qorista buuggan oo ay kamid ahaayeen duqeeydii, waxgaradkii iyo dhalinyarada qabiilka Cormale rag iyo dumar intaba, waxaa jira dad badan oo si weyn uga qayb qaatay qorista iyo hergelinta buuggan mahadi ha ka gaarto dhammaantood .
Waxaa talo , tusaale iyo tabarucaad (Contributions) kaga qayb qaatay hergelinta buugaan walaala hoos ku qoran oo kala jooga :
- Maxamed Cusmaan Aadan (Xerow) jooga U.S.A .
- Cabdulqaadir Cabdi Maxamed (Cerinte) jooga U.S.A .
- Maxamed Xuseen Dhicis (Maxamed yare) – jooga Kismaayo .
- Cumar Abshir Jawaareey – jooga Nairobi .
- Cabdalle Maxamed Khamiis – jooga Muqdisho .
- Caasho Cabdullaahi Baasaay – joogta Baydhabo .
- Ibraahim Aadam Dhicis – jooga U.S.A .
- Cumar Abshir Bashiir – jooga U.S.A
- Maxamed Xassan Muuse – jooga Dubai –U.A.E
- Cabdirisaaq Aadam Xassan – johanesburg –South Africa .
- Cabdi Sabdoow Dhicisoow – jooga –Johannesburg – South Africa .
- Dr Ibraahim Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed (Dr. Ibrahim Dhicisoow) jooga-Muqdisho.
- Daahir Aadam Xassan – jooga Muqdisho.
- Nabadoon Xaydar Aadam Cali Dheere- jooga – Raaxoole.
- Cabdullaahi Ibraahin (Goombir) – jooga – Diinsoor.
Waxaa u furan dhammaan walaalaha iyo guud ahaan aqoonyahanka beesha Cormale in ay talo , tusaale iyo waayo aragnimo intaba kaga qayb qaataan dhameystirka buuggan taariikhda Cormale ayaga oo ku soo hagaajin kara
Waxaan si hor u dhac ah u soo gelinay bartaan www.cormale.com qayba kamid ah buugga taariikhda Cormale .
Allah ayaa mad-leh