Hogaanka Dhaqanka iyo Sooyaalka

                                               HOGGAANKII DHAQANKA 

                                                                        IYO

                                       SOOYALKA  HOGAAMINTA  CORMALE

Buugga  qaybtan  waxaan ugu hadli doonaa wax bandana aad kaga bogan  doontaan haddii uu Allah imo hogaankii  dhaqanka iyo sooyaalka taariikhda  ee qabiilka  Cormale  iyo raggii soo hogaamiyay  magacyadooda  .

waxaa ugu horeeyay inta taariikhda  la ogyahay ama  lagu qoray diiwaanka taariikhda Cormale nin lagu magacaabi jiray Boqor Wacaysmuge  oo ay ku abtirsadaan qayba badan oo kamid ah qabiilka   Cormale .

waxaa ka dhaxlay oo  xilkii kala wareegay  boqor  Aw‑Bakar oo kamid ahaa wiilashii uu dhalay  Boqor  Wacaysmuge .

Boqor  Aw‑Bakar  waxaa uu ku wareejiyay  boqornimadii  oo ka dhaxlay boqor  Maxamed Aw‑Bakar  oo ahaa mid kamid ah wiilashii Boqorka Aw‑Bakar   .

Boqor  Maxamed Aw Bakar  waxaa ka dhaxlay sidoo kale  mid kamid ah  wiilashiisii oo ah boqor  Maara‑gal  Maxamed .

Boqor  Maaragal  waxaa ka dhaxlay wiilkiisa oo ah Boqor Celis  waxaa asagiina ka dhaxalkii saldanada uu  ku wareejiyay  mid kamid ah wiillashiisi oo ah  Boqor  Hiirgede  .

Boqor  Hiirgede  waxaa uu ku wareejiyay  sidoo mid kamid ah wiilashiisa oo lagu macaabi jiray boqor Dumaal  kadib markii uu  geeriyooday boqor , Dumaal  waxaa xilkii lagu wareejiyay nin aan kamid ahayn reer boqorkii qabiilka .

Waxa sababay  ma  helin  inta barista wadnay iyo sababta  keentay  in uu soo dhex  galo qof aan reer boqorka  qabiilka ahayn , sidoo kale waxaa la badalay  magacii boqorka  oo lagu badalay Ugaas .

Ninka lagu wareejiyay  saldanada ayaa lagu magacaabi jiray  Ugaas Cabdi Gaboobe  oo lagu naaneeysi  jiray  (Boqol kulmiye ) ninkaas oo ay ku abtirsato  jifa  kamid ah beesha  Abakeey   Jidgaal Meyle  .

Ugaas Cabdi Gaboobe ( Boqol Kulmiye ) xilka ayaa laga qaaday oo Cormale ayaa ka qaaday sabab kasata  ha  keentee  xilka qaasistiisa  .

Waxaana dib loogu celiyay reer Boqorkii qabiilka oo mar kale ayaa waxaa lagu wareejiyay ugaas  Hindis Masuuse  .

Xilkii  waxaa  lagu wareejiyay ugaas Hindis Masuuse oo ahaa nin ka soo jeeda beesha Wacaysmuge  gaar ahaan Mohamed Aw‑Bakar  (Toweyne)  .

Ugaas Hindis  Masuuse waxaa awoow u ahaa Boqor Dumaal , sidoo kale waxaa  uu saldanada  haayay  mudda aad u dheer oo lagu qayaasay  ilaa iyo  85 sano in ka badan sida ay inoo sheegeen  odayaashii taarkhda  , ugaas Hindis   Masuuse  ayaa ku wareejiyay saladanadii ragg  ka soo jeeda beesha Ciise , sababta ka akhriso qaybta xigta.

                                                 UGAAS  HINDIS MASUUSE

                                                                     IYO

                           QAABKA UU SALDANADA  UGU WAREEJIYAY CIISE

Waxaa ay inoo sheegeen odayaashii  ku  xeel‑dheeraa  taariikhda  qabiilka Cormale in  ay sabab u ahayd in saldanada lagu wareejiyo beesha Ciise , Geel lagu kala dhacay colaad  jirtay oo Cormale  uu ka soo dhacay qabiilka   Ajuuraan  kadibna uu dib u celiyay ugaas Hindis Masuuse .

waxaa jirtay colaad kale oo ka  dhaxeeysay cormale iyo qabiilla  kale  waqtigaas  oo wax Ajuuraan kala dhaxeeyay  Cormale  oo dibaata  ah  ma jirin  sida ay sheegeen odayaasha taariikhda   .

kadibna  ugaas Hindis Masuuse ayaa  Geelii  dib ugu celiyay  Ajuuraan  waxaa uuna ku wareejiyay  boqor la oran jiray Boqor Aamin oo kamid ahaa  Boqordii Ajuuraan , Geelaas oo aaysan  rajo ka qabin raggii lahaa  in dib  loo soo celiyo in lagu diriri mooyaane .

Waxaa uu  bilaaw u noqday xariir wanaagsan oo dhex maray labadii ugaas  iyo labadii  qabiil  intaba  inaas  kadibna Boqor Aamin  ayaa siiyay ugaas Hindis Masuuse  gabar lagu magacaabo jiray Idibo Aamin oo uu dhalay iyo gabar jaariyad ah oo shaqeeyso ama adoon u ahayd  oo wada jira waxaana sidaa ku bilaawday xariir  wanaagsan oo u dhaxeeya  labada dhinac   .

Boqor Aamin  ayaa ku yiri :

ugaas Hindis Masuuse  gabadhaan  waa  reer boqor waxaan codsanayaa  in aad  iga ballan qaado  wiilkeeda in  laga dhigo ugaas ama boqor kadibna waxaa uu aqbalay oo weliba   ballan qaaday  ugaas Hindis Masuuse  arrintaas ah in uu ka dhigo ugaas  gabadha  boqorka wiilka ay dhali doonto  .

Ugaas Hindis Masuuse ayaa gabadhii  Idibo Boqor Aamin ahayd u guuriyay nin lagu magacaabi  jiray  Cumar Caalim Suufiin oo gacan yare  u ahaa  ama  kamid ahaa  nabadoonadii la shaqeeynayay waqtigaas  ,  ninkaas oo ka soo jeeday beesha Ciise  .

Waxaa sidaas  xilkii ugaasnimada uu ugu  wareejiyay ugaas Hindis  wiilkii Idibo Boqor Aamin curadka u  ahaa oo lagu magacaabi  jiray  ugaas  Cabdi Cumar Caalim Suufiin asaga oo fulinaayo ballantii uu ka soo qaaday Boqor Aamin .

Ugaas Cabdi Cumar  waa la dilay waxaana dilay ragg Cormale ah gaar ahaan raga ka soo jeeda beelaha Maxamed Aw‑Bakar , Ciise Maxaad‑faay iyo Waladeeye  xagga dambe ee buuggan ayaan ku sheegi doonaa inshaa Allah  .

                                                     DILKII UGAAS ABDI KADIB 

Cormale  waxaa uu u fadhiistay qadiyadii dilka ugaaska iyo sidii loo xalin lahaa dood iyo ismariwaa waqti qaatay kadib waxaa loo bandhigay in ay qaataan Mag ugaas beesha Ciise .

waxaa  ay diideen in ay magtii uu Cormale u soo bandhigay  qaataan arrintaa badalkeeda ayay Cormale ka dalbadeen  in loo saxiixa in saldanada qabiilka oo aan  loogu imaanin oo ay ugaasnimada u qaataan  Magta  badalkii magta xoolaha  ah ay qaadan lahaayeen .

Cormale dhamaantiis  waxaa uu  isku raacay  in  loo saxiixo  xilka  ama saldanada qabiilka  in aan loogu imaanin beesha Ciise , xilkiina waxaa  lagu wareejiyay  ugaaska la dilay walaakiis oo ah Ugaas Maxamuud Cumar Caalim Suufiin .

Ugaas Maxamuud  Cumar  waxaa ka dhaxlay  wiil uu dhalay oo lagu magacaabi jiray  ugaas Caalim  ugaas Maxamuud  sidaas ayay ku bilaabatay  isku wareejinta  ama dhaxaltooyo in ay u noqto  beesha Ciise saldanadii qabiilka in kasta oo ay jireen xiliyadii dhexe dad kale oo ugaasyo noqday oo  aan kamid  ahayn reer ugaaska qabiilka  sida  aan ku sheegi doono qaybaha  dambe ee buuggan inshaa Allah .

                                                  FARACII UGAAS MAXAMUUD

                                                                            IYO

                                          SIDA  AY  XILKA U KALA DHAXLEEN

Halkaan ka baro faracii ugaas Maxamuud iyo sida ay saldanada isugu wareejiyeen oo kooban , waxaa  ilaa iyo in mudo ah soo  haayay  saldanadii qabiilka Cormale beesha Ciise gaar ahaan Maxaad‑Faay  si gaar ah bahda  Suufiin  oo ah ( Abkeey Ugaas ) .

Ugaas Maxamuud dadkii  ka farcamay  ayaa waqtigii ugu dheeraa soo xukumay qabiilka Cormale  ilaa laga soo gaaray mardhaw  .

waxaan  dib u milicsan doonaa  saldanada iyo qaabkii ay ku soo socotay anaga oo  ka bilaabeyna malaaq Cabdullahi Malaaq Gaashaan oo nool waqtiga  buuggan aan  qoreyno oo ay taariikhda tahay 2020  ayna socoto  weli qorista buugan wax bandanna aan qudhiisa   ka soo xiganay markii aan wadnay xogt aruurinta  buugan  .

Malaaq Cabdullahi  malaaq Maxamed  oo ah ( Gaashaan Boor ) malaaq Cabdiraxmaan malaaq Cumar  malaaq Cusmaan malaaq Cali Ugaas Caalim Ugaas Maxamuud Cumar Caalim Suufiin .

( Fiira  Gaar ah ) : Suufiin waa odayga ay ku abtirsato jifada  Abkeey  Ugaas  kana mid ah beesha Ciise Maxaad‑Faay saldanada waxaa markii hore  ku wareejiyay ugaas Hindis Masuuse sida aan kor ku soo sheegnay .

Waxaa  jiray dad aan reer ugaas ahayn oo hogaanka qabiilka  siyaaba  kala duwan u soo maray qaarkood ayaa ugaasyo loo doortay iyo qaar kale oo aan la dooran laakiin tiir dhexaad u ahaa hogaaminta Cormale ayagana  mid mid ayaan u sheegi doona haddii uu  Allah  idmo .

AW JEELOOW SADIIQ   

Waxaa uu ahaa hogaamiye adag oo qabiilka talada u qabtay waqti ay xaalada aad u adag yahay  , waxaa uu heshiisyo aad u  waaweyn  dhax dhigay qabiilka Cormale  iyo qabiiladii deegaanka ku noolaa oo wax colaad ah ma dhicin muddii uu Aw‑Jeeloow Sadiiq hoggaanka u haayay Cormale   .

Waxaa uu ku soo aaday xili ay reer ugaaska u dhiibeen ushii Cormale  nin aad u jilicsan oo aan hogaaminta ku fiicneyn ninkaa oo ay dadka qaar ku sheegeen  malaaq Cumar  halka qaar kale ay inoogu sheegeen in uu ahaa Malaaq Cusmaan  .

Aw‑Jeeloow Sadiiq  marna ma ogalaanin in loogu yeero magaca  Ugaas ama Malaaq oo  waa uu diidi jiray in ay dadka ugu yeeraan .

Waxaa  jirtay mar  la weydiiyay su,aal ahayd usha Cormale  yaa kuu dhiibay  ayuu ku jawaabay ( usha dhulka ayay taalay oo aan ka soo qaatay )  arrintaa oo  micnaheeda ula jeeday nin  aan wax ku maamuli karin  ayaa  loo  dhiibay .

Jeeloow Sadiiq   sidoo kale  waxaa uu heshiis rasmi ah la galay  boqortooyadii ka talineeysay deegaanka  Buur‑hakaba  ilaa iyo Baydhabo  asaga oo  heshiiskaas  la galay boqor lagu magacaabi jiray boqor Maameey Eenoow Isaaq  oo hogaanka qabiilka Eelaay ahaa  sida ay inoo sheegeen odayaasha taariikhda ee Cormale .

Boqor Maameey Eenoow  waxaa sidoo kale uu ahaa boqorka  guud ee deegaanka , waxaa uu ahaa ninka dejiyay qabiilka  Cormale dhulka u dhaw Buur‑Hakaba kadib heshiiskii  dhex maray asaga iyo Jeeloow Sadiiq , waxaa ka dhaxeeyay qabiilka Cormale iyo boqortooyadii Eelay  heshiis iyo is ixtiraam ilaa dadka qaar ay ugu yeeraan qabiilka Cormale  magaca  Eelaay Yaroow  .

Waxaa uu  ahaa Jeeloow hogaamiye la  mahadiyay dhinac kasta sida ay inoo sheegeen odayaasha Cormale .

Muddadii   uu talada haayay ayay dadka siyaaba kala duwan inoogu sheegeen  ilaa iyo 17 sano dadka qaar ayaa noo sheegay halka dadka qaar ay inoo sheegeen ilaaa 27 sano in uu talada haayay  , si kastaba waxaa ay isku waafaqsan  yihiin odayaasha Cormale ee taariikhda  inta uu talada haayay in uusan  qabiilka wax colaad ah  galin.

Aw Jeeloow Sadiiq  waxaa uu duceeyay qabiilka qayb kamid ah waa beesha Tol‑Yaaquub  mar ay u yimaadeen  dad Asharaaf ah oo la ixtiraami jiray  asaga oo shir gudoominaayo hogaankii dhaqanka shir ay isugu imaan jireen  kadina waxaa ay weydiisteen xoolo , kadibna waxaa uuna u ballan qaaday boqol neef .

Kadib Laba kulan oo ay odayaashii  isugu imaadeen ayuu ku yiri xoolaha  magaciina ayaan ku ballan  qaaday  ee iga bixiya  markii  in mudda la is eeg eegay ayuu yiri : ( iska taga Talsame  iyo Maxamed  iyo aniga ayay noo taalaaye )  kadib waxaa ay  ka bixiyeen boqolkii neef ee uu ku ballan qaaday magaca qabiilka .

Jeeloow  waxaa uu ka soo jeeday beesha Ciise gaar ahaan Cumar‑Maxaad faay .

MALAAQ DHAAYOOW

Waxaa uu kamid ahaa raggii soo maray  hogaaminta qabiilka  Cormale Malaaq Dhaayoow Nuur  Macoow  Foodeey  oo ka soo jeeday   beesha Cerinte  .

Waxaa  uu ahaa ninkii sameeyay ama jideeyay in uusan Cormale  dhexdiisa dhiiga ama  magta  kala qaadanin iyo in uu dhulka wada leeyahay oo meeshii uu reer Cormale  ah degan yahay  hadii uu yimaado  reer  kale oo Cormale ah  marti kuma ahan  ilaa iyo hadda .

Arrintaan ayaa dhacday inta la deganayahay Raaxoole Cormale , waxaana sabab u ahaa  in uu Malaaq Dhaayoow  jideeyo arrintaan  kadib laba beelood oo Cormale ah oo isku laayay  ceelka Raaxoole  halka loo yaqaano  Daw‑weyn .

Waxaa ay ahaayeen beelaha  Abkeey  Ismaaciil  iyo Abkeey  Cerinte  xalkii arrintaas kadib ayuu ka soo saaray sharci ama xeer u gaar ah oo ka kooban seddex qodob oo uu ku kordhiyay xeererkii horay u jiray ee qabiilka  .

  1. In uusan Cormale dhulka kala lahayn oo ninka Cormale ah ee horay u deganaa iyo kan cusub  waa ay u siman yihiin  manfacada deegaanka , lahanshahisa iyo difaaciisa intaba  .
  2. In aysan ku duuli karin jifo Cormale ah jifo kale oo Cormale ah ,  qof qof kale oo Cormale ah dilay waa dhacdaa ,  laakiin waxaa reeban in ay  hub  isu qaataan  laba jifo oo xeer  adag ayaa ka yaalo .
  3. In uusan Cormale dhiig la kala qaadan samirsiin yar iyo duugta ama geel xawaaleedka oo kaliya  uu kala qaato .

Waxaa  horay u jiray oo kamid ahaa xeerarkii ay u dejiyeen hogaankii Cormale  ee ka soo jeeday boqortoodii  Waceysmuge qodobada soo socda .

  1. Cormale waxaa ka dhexeeya ugaaska oo ma jirta  jirfa  ugaas u gaar ah  sameeysan karto  oo xeer ayaa ka yaalo  oo ay horay u qoreen boqortooyadii qabiilka ee Wacaysmuge  .
  2. Cormale waxaa ka dhaxeeya magta iyo difaaca .
  3. Cormale waxaa ka dhexeeya dhowrida xeererka qabiilada kale  lagula jiro .

Sidoo kale hogaankii  qabiilka ee ka soo jeeday beesha Ciise  ayaa ayagana ku soo kordhiyay xeer lagu magacaabi jiray  Xeerka soo dhaweynta , xaga dambe ee buugaan ayaan ku sheegi doonaan xeerkaan iyo waxa uu qaabilsanaa haddii uu Allah idmo.

Waxaa ay ahayd  markii ugu horeeysay uguna dambeeysay ee la arko laba beelood oo Cormale ah oo isku soo duula  oo is dila  laakiin marar badan ayaa la arkay nin nin kale oo Cormale ah dilay ilaa iyo hadda  waxaa lagu maamulaa Cormale sidii uu u jideeyay malaaq Dhaayoow Nuur Macoow Foodeey ,waxaan rajeeynayaa in ay dib u  habeyn ku sameeyn  doonaaan xeerarkan  aqoon yahanka  naga dambeeya ee Cormale  haddii uu inshaa Allah .

UGAAS BANTUUQLE

waxaa Sidoo kale hogaanka Cormale kamid ahaa raggii soo maray Malaaq Xasan Maxamed Axmed (Bantuuqle) oo ahaa Garlabe gaar ahaan beesha Axmed Nuurre .

UGAAS ABDI JINOOL

Waxaa uu kamid ahaa hogaankii Cormale soo maray ugaas Cabdi Axmed Sheekh (Abdi Jinool ) oo mudda kooban haayay xilka  inkasto  oo ay Cormale  ugaas u doorteen  hadana  buuq  ayaa hareeyay  xukunkiisi  si iskiis ah ayuu ushii u dhigay .

Wax yar kadib ayuu  si iskiis ah ushii ugu celiyay  Cormale , waxaa uuna ka soo jeeday  beesha Ciise gaar ahaan Maxaad‑faay siiba Cumar Maxaad‑faay .

UGAAS HUSSEIN MAXAMED MUUDEEY  (xusseen gaal)

Waxaa  uu kamid ahaa hogaanka Cormale ragii soo maray  , waxaa lagu naaneysi jiray (xuseen gaal) waxaa uu ka soo jeeday  beesha Abkeey  Cerinte .

Ugaas Xuseen Gaal  waxaa uu  aad ugu dadaalay midnimada Cormale asaga oo dadaal badan ku bixiyay  siduu  meesha uu uga saari lahaa dhibaato lagu sameeyay  sanada badan  ka hor beesha Abkeey  Maxamed Aw‑Bakar  (tol‑weyne ) waxaa uu sameeyay tilaabo aysan horay u sameeynin  ugaasyadii asaga ka horeeyay .

Waxaa uu u isugu yeeray Cormale  asaga oo ugaaskii ah waxaa uu u ololeeyay arrintaas , waxaa uu gabdho u kala guuriyay qabiilka ,  sidoo kale waxaa uu xeer ciqaabeed  aad u adag  ka soo saaray arrintaas oo dhibaato ay tabanayeen  beesha Maxamed Aw-Bakar  , xeerkaas  oo loogu tala galay  in lagu  ciqaaabo ciddii sii  wada kala qaybinta Cormale  .

UGAAS SHEIKH ABDI SAMAD

Waxaa uu sidoo kale kamid ahaa raggii hogaankii  Cormale soo maray  ugaas Sheikha Cabdisamad Sheikh Axmed Cadille Nuur oo ahaa beesha Ciise gaar ahaan Abkeey Macaaneey ,  waxaa  la dilay xiligii ay burburtay dawladii uu hogaaminaayay  Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre  ee 1991 dii .

waxaa dilay rag Xawaadlle  ahaa oo  huwanaa shaatigii U.S.C , waxaa loo dilay sida ay dadka qaar oo xog oagaaalka ahaa sheegeen aar‑goosi , nin ugaas ahaa oo laga dilay Xawaadlle boqolaal sano ka hor sida ay inoo sheegeen odayaasha taariikhda .

UGAAS MOHAMED IBRAHIM XASSAN (garshooke )

waxaa uu sidoo kale kamid ahaa  hogaanka Cormale raggii soo maray  Ugaas Maxamed Ibraahim Xassan  ( ger‑shooke) , waxaa uu ahaa ninkii  salka u dhigay nidhaanka (11) ka beelood ee hadda Raaxoole Cormale qaaraanka , magta iyo howlaha kale qabiilka dhexdiisa ah lagu  maamula ,  ugaas Garshooke waxaa uu ka soo jeeday  beesha Ciise  gaar ahaan  Maxaad‑Faay –  Cumar Maxaad‑faay  .

Dhammaaan raga  aan soo sheegnay  waxaa ay joogeen Raaxoole iyo deegaannadii kale  ee aan taariikhda qaybaha hore ku soo sheegnay ama uu qabiilka deganaan  jiray  Raaxoole  ka hore .

Fiira  Gaar ah : Malaaq  Gaashaan Boor  waxii ka horeeyay Cormale  waa uu ku mideeysnaa hogaaanka  dhaqanka meel kastaba ha  jooga  .

Waxaa lagu soo kala guuray Raaxoole  kadib markii ay dad badan oo qabiilka ah ay  ka sheegteen maamulkii  malaaq Gaashaan Boor  ,  waxaan  ku faah‑faahin doonaa qaybaha  dambe ee buuggan  haddii uu Allah idmo .

Waxii ka dambeeyay Malaaq Gaashaan waxaa soo if baxay  khilaaf iyo is qabqabsi  xagga  hogaanka dhaqanka ah oo mar walba  waxaa jiray qaybo diidan  raggii hogaanka  u ahaa qabiilka  inkasta oo la xaliyay  arrintaas markii  dambe  , deegaanada Raaxoole iyo  Kimaayo oo ah deegaanada  uu ugu badan yahay  Cormale .

                                HOGAANKA DHAQANKA CORMALE EEKISMAAYO

Waxaan  qaybtaan ugu hadli doonaa haddii uu Allah idmo qaar kamid ah hogaanka qabiilka Cormale ee deegaanada Jubooyinka annaga oo mid mid u soo qaadan doona inshaa Allah .

MACALIM SHABAC

Macalim Ibrahim Aadam Shaako  (Macalim Shabac ) waxaa uu ahaa hogaamiyihii ugu horeeeyay ee qabiilka Cormale  Kismaayo  .

Waxii  ka horeeyay  waqtigaas qabiilka waxaa uu ku xeraa hogaankii qabiilka Raaxoole joogay , sidoo kale waxaa uu ahaa  Macalim Shabac hogaamiye diimeed asaga oo qabiilka ugu dhaawi  jiray meesha hadda loo yaqaan laanta Macalim Shabac oo ku taalo deegaanka Beer‑xaani ee duleedka Kismaayo waxaa uu xilka haayay dhamaadkii qarnigii 18 ilaa bilaawgii qaringii 19 aad waxaa uu ka soo jeeday beesha Abkeey  Ismaaciil  .

SULDAAN SALAAD AF CADEEY

Waxaa uu kamid ahaa hogaankii dhaqanka ee qabiilka Cormale  raggii soo maray gaar ahaan  Cormale Kismaayo Suldaan Salaad Macalim Ibraahim  Aadam Shaako oo lagu naaneysi jiray  (Salaad Afcadeey ) waxaa uu ka soo jeeday beesha  Abkeey Ismaaciil gaaar ahaan Cumar Cabdi .

Waxaa ay ahayd  markii ugu horreysa magaca  suldaan la siiyo nin kamid ah  hogaanka Cormale , qabiilka hogaankiisa  waxaa uu horey u lahaan jiray magacyadan sida  boqor, ugaas iyo malaaq.

CALI GEDAAW

Waxaa uu kamid ahaa hogaanka dhaqanka ee Cormale  , nabadoon Cali Cabdi Cabdille ( Cali Gedaw ) oo ahaa hogaamiye dhaqan oo miisaan badan  ku dhex lahaa qabiilka ayaa wax bandan  ka soo qabtay xalinta arrimaha qabiilka iyo hogaaminta intaba .

 Ugaas iyo suldaanimo midba  looma dooranin  haddana markii uu noolaa waxaa uu kamid ahaa hogaanka Cormale  ragga ugu sarreeya ee ay tahay in aan ku xusno taariikhda , sidoo kale waxaa uu ahaa hogaamiye diimeed.

waxaa uu daganaa in mudda ah oo deegaan u ahayd duleedka magaalada  kismaayo  meesha uu hadda ku yaalo Garoonka Kismaayo asaga oo  ka hergeliyay  xaruma  Diinta Islaamka  lagu barta iyo Dugsi Qur,aan oo lagu kobciyo aqoonta diinta  .

Dowladii Militiriga  ayaa ka qaaday  deegaankiisi oo u badashay Garoonka Kimaayo sanaddii 1972 , dowladii ayaa u wareejisay deegaan kale oo u dhaw garoonka kismaayo  .

Xarumahiisii diinta oo  mar kale dib uga  asaasay deegaanka oo  ilaa iyo hadda waxaa  ku yaalo ama ka jira deegaankii  asaga ahaa xarumahiisii  diinta oo in ka badan  boqol sano (100) jirsaday , waxaana lagu magacaabaa  deegaanka Cali Gedaaw ah ilaa iyo hadda  .

Waxaa uu ka soo jeeday nabadoon Cali Gedaaw  Garlabe gaar ahaan beesha Abkeey Tol‑yaaquub .

UGAAS XAAJI  YACQUUB  SHEIKH ISMAACIIL

Waxaa uu kamid ahaa raggii  hogaanka qabiilka Cormale  soo maray Ugaas Xaaji Yacquub Sheekh Ismaaciil waxaa uu dhibaato kala kulmay markii ugaasnima loo doortay maamulkii  magaaalada Kismaayo oo ay hogaanka u hayeen ragg beesha Harti ka soo jeeda oo uu xafiiltan kala dhaxeeyay oo in mudda ah ayaaa  la xiray  , Ugaas  Xaaji Yacquub waxaa uu ka soo jeeday Garlabe gaar  ahaan beesha Abkeey Aydoonle .

UGAAS XUSEEN HAFOOW 

waxaa uu kamid ahaa raggii soo maamulay waqtigii ugu  adagaa oo uu dalka  dowlad la,aanta noqday oo dalka  iyo dadkiiba ay ku jireen xaalad foowda ah .

waxaa uu ka soo gudbiyay xaalada aan sheeko lagu soo koobi karin  shaahid mooyaane oo u badnayd waqtiyadii colaadaha  iyo dowlad la,aanta dalka  , waxaa uu ka soo jeeday ugaas Xusseen Garlabe  gaar ahaan beesha  Abkeey Aydoonle , waxaa dilay ugas Xusseen kooxda Al‑Shabaab  sanadka markuu ahaa 2013 .

SULDAAN MOHAMED ADAM GARJIN

Waxaa uu  kamid ahaa sidoo kale  raggii soo maray  hogaanka Cormale  Suldaan Maxamed Aadam Garjin  oo waxaa  ay isku waqti ahaayeen Ugaas Xuseen Hafoow asagana  waxaa  dilay isla kooxda Al‑Shabaab  sanadka 2012  aakhirkiisi waxaa uu ka soo jeeday  Suldaan Maxamed Garjin beesha Abkeey Ismaaciil  gaar ahaan Curmar Cabdi  .

kadib dilkii  Sulddaka iyo Ugaaska ayaa waxaa si ku meel gaar ah loogu dhiibay ragg kale Cormale ah hogaamita qabiilka  .

waxaa  loo dhiibay xilka ugaasnimada  nabadoon Xasan Sheekh Ibraahim kadib dhimashadii  Ugaas Xuseen Hafoow  , sidoo kale dhimashadii Suldaan Maxamed Aadam Garjin kadib ayaa  si ku meel gaar ah loogu dhiibay suldaanimdi  Saalax Macalim Aadam  (saalax haamaan ) oo ay qaraabo dhaw ahaayeen  suldaankii la dilay .

Waqti yar kadib isla Xasan Sheekh Ibraahim  ayaa  loo caleema saaray ugaaska Cormale  mudda lix bilood ah kadib  dhimashadii Ugaas Xuseen Hafoow .

Saalax Haamaan  xilkii uu sida ku meel gaarka ah  loogu dhiibay ayaa laga qaaday kadib khilaaf ba,an oo ay  qabiilka ka dhex abuureen asaga iyo rag kale oo dhaqan iyo siyaasiyiin isugu  jiray  .

Saalax Haamaan  oo uu damac kaga jiray in sida Ugaas Xassan Sheikh  loo caleema saaro  xilkii uu si  ku meel gaarka ah uu u haayay ayaa lagu eedeeyay in uu caqabad ku ahaa  wada jirka qabiilka .

Mudda yar kadib xilka qaadistiisi  Saalax Haamaan waxaa uu sheegtay ama uu sheegad u noqday beesha Harti –Daarood  oo ay Cormale  colaad kala dhaxeeysay waqtigaas  .

Mudda yar kadib waxaa dalka dib ugu soo laabtay   mid kamid ah wiilashii suldaan Maxamed Garjin  oo dalka dibadiisa waxbarasha  ugu maqnaa  ninkaas oo lagu magacaabo  Suldaan Aadam  Suldaan Maxamed  Suldaan Aadam Garjin waxaa uu lagu wareejiyay xilkii aabahiis uu ka geeriyooday .

UGAAS XASAN SHEIKH IBRAAHIM

Waxaa  Cormale uu u doortay ugaaska  guud ee jubooyinka Ugaas Xasan Sheekh Ibraahim  hadana  waqtigiisa waxaa uu qabiilka la kulmay colaada aad u tira badan sida colaadii Cormale iyo kooxahii Al‑Shabaaab iyo colaadii Cormale iyo Harti ee ka dhacday duleedka degmada Kismaayo iyo dhibaatooyin kale oo khilaaf qabiilka dhexdiisa  ah kamid yahay.

Waxaa ay qabaan dhammaan wax‑garadkii  Cormale ee aan la kulanay  in kasto oo ugaas Xasan Sheikh Ibraahim  uu ahaa nin ku adag qadiyada qabiilka  haddana  xiligii talada  haayay   qabiilka waxaa hareeyay buuq iyo colaada joogta ah oo laga baaqsan karay .

Ugaas Xasan  Sheekh waxaa uu ka soo jeeday  beesha  Abkeey Laagoow  Meyle gaar ahaan  Faqi Cumar  – kulmiye Faqi Omar  .

SULDAAN  AADAM  SULDAAN MOHAMED GARJIN (Suldaan Al‑cadaala )

Soo laabashadii  Suldaan Aadam  suldaan  Maxamed  kadib waxbarasha uu dibadda ugu maqnaa ayaa  loo caleema saaray  suldaanimadii qabiilka ,  waxaa uu ku soo biiray  hogaanka Cormale sidoo kale  waxaa uu ku soo aaday waqti uu qabiilka ku jira xaalad aad  cakirin oo aad ayaa loo soo dhaweeyay waxaana lagu duubay deegaanka  Shabeeleey ee duleeda Kismaayo  .

Waxaa culeey saaray  maamulkii Jubbaland oo fargelin ku sameeyay in uu shaqeeyo caqabadna ku noqday kadib markii ay qabiilkii Cormale ee uu ka dhashay  u doorteen in uu hogaamiyo ama u shaqeeyo .

Cabasha ka timid  ninkii sida ku meel gaarka ah u haayay suldanimada lagana qaaday  iyo  asaga oo gacan ka helaaya qabiilka uu sheegtay ee Harti oo saameeyn xoogan  ku lahaa hoggaanka  sare ee maamulka JubbaLand  in mudda ah  ayay  hor istaag ku sameeyeen  .

Suldaan Aadam  Al‑ Cadaala Inkasto oo uu culeys kaga yimid dhinaca mamulka JubbaLand  hadana waxaa uu si firfircoon uga dhex bilaabay qabiilka  shaqadii loo igmaday .                              

                                       HOGAAMINTII CABDUL QAADIR JIIS

Cabdulqaadi Maxamed Cali Jeeloow  waxaa uu ahaa hogaamiye waqti adag oo qabiilka uu ku jiray colaad kala dhaxeeysay  kooxda Al‑Shbaab hogaanka ayuu  ku soo biiray waqti  loo xilsaaray  in uu u dhaxeeya qabiilka Cormale iyo Al‑Shabaab oo ay u dhaxeeysay  colaad waxaa uu  kamid ahaa rag gurmad ahaan ugu yimid deegaanka  Raaxoole Cormale  oo gacan ka geystay xalinta colaadaas waqtiga xilka loo dhiibaayo .

Waxaa uu doowr muhiim ah ka qaatay badbaadinta iyo samata bixinta  reerka  kadib markii loo xilsaaray  in uu noqdo hogaanka u dhaxeeya  Cormale  iyo kooxda Al‑Shabaab  .

waxaa  uu meesha ka saaray  is faham la,aan iyo  dhibaata  joogta  aheyd oo mudda dheer  u dhexeeysay Cormale  iyo  Al‑Shabaab  .

Mudda  sanada ah oo Cabdulqaadir  Jiis uu  u dhaxeeyay  labada dhinac wax dhibaata  ah  kama  dhex dhicin Cormale  iyo kooxdii Al‑Shabaab  marka laga reebo dhacdooyin yar yar oo markiiba  inta uu ka daba tagay   hadana uu xaliyay .

Cabdulqaadir Jiis  waxaa ay  oran jireen Cormale gaas Duureed sababta oo ah Al‑Shabaab  oo inta badan magaalooyinki  laga qabsaday oo maamulkooda  uu ku shaqeeynayay deegaanada baadiyaha ah  iyo duurka waana sababta magaca Ugaas Duureed  loo siiyay Cabdulqaadir Maxamed Cali .

Si kastaba Cabdul qaadir Jiis  waxuu ahaa halyaay guula badan  ka gaaray  shaqadii loo igmaday oo ahayd badbaadinta qabiilki Cormale  iyo  in uu ka badbaadiyay kooxa  aad u naxariis daran  oo ay colaad aan jid iyo  jaha laheyn kala dhexeeysay qabiilka .

Cabdulqaadir Maxamed Cali Jeeloow  (Abdiqaadir  Jiis ) waxaa uu ka soo jeeday beesha Cerinte  .

Fiira Gaar ah :

Waxaa jiray rag kale oo ay u sameeyeen kooxda Al‑Shabaab  in ay  u noqdaan hogaan beesha Cormale  gaar ahaan deegaanada baadiyaha sida guud ahaan ay ugu sameeyeen qabiilada soomaaliyeed  hadana wax guula la taaban karo ka keenay   ma jirin  dhammaan raggii  la shaqeyn jiray  kooxda AL‑Shabaab dhamaantood   qabiilka  Cormale dhexdiisa  ayaa looga yaqaanay  ugaas Duureedyo .

                          Hogaamiyaal miisaan iyo maamuus  ku dhex lahaa Cormale  

Waxaa jiray hogaamiyayaal Cormale  taariikhda u galay ayaga  oo  aan Ugaas iyo Malaaq iyo xil kale intaba aan ku magacaawnayn  hadana ka soo gudbiyay qabiilka marxalada aad u adag raggaas oo  isugu jiray hoggaamiyayaal  dagaal iyo hogaamiyaal  dhaqan  iyo hogaamiyayaaal diimeed  kuna dhex lahaa  miisiin iyo qadarin qabiilka  Cormale  dhexdiisa , sidoo kale Cormale  ay u yaqaanaan  halgameyaal  sarsare waxaana  kamid ahaa.

  • Jeeloow Sadiiq
  • Nuur Macoow Foodeey
  • Aadam shaako
  • Aamin Jiroow
  • Cumar Baadi
  • Cali Salaad Abiikir ( CaliTaraar )
  • Sacdi Xassan Cumar
  • Maxamed Cali Jeeloow
  • Aadam Cali Deer Food (Aadam Cali dheere )
  • Macalim Ibraahim Aadam ( Macalim Shabac )
  • Sagaar Kuuloow Cumar
  • Hassan Mohamed Osman ( hassan dabac )
  • Isaaq Axmed Sheekh ( Isaaq Garaar )
  • Cabdullahi Maxamuud ( Cabdullahi Baasaay )
  • Cali Cabdi Cabdille ( Ali Gedaaw )
  • Samoow Cali Jareere
  • Sheikh Mohamed gaabboy
  • Ibraam Cumaan Boore ( Ibraahim Yoomoow )

Fiira Gaar ah : Cormale  ayaa dhaha halgameyaashii sarsare  xurmad gaar ahna waa ay u hayaaan  raggaan iyo rag kale iyo xitaa faracoodi  .

                                  HOGAANKII  CORMALE EE MUQDISHO

Waxaa jiray hogaamiyayaal dhaqan oo  soo maamulay qabiilka  qaybtiisa  Muqdisho  iyo deegaanada ku dhaw waxaana kamid ahaa :

ADAM  ISAAQ  XAAYLOOW ( Aadam Fooke )

Nabadoon Aadam Fooke  oo mudda dheer oo ka badan  40 sano ah oday uga ahaa Cormale Muqdisho ayaa lagu xasuustaa kalmad uu yiri oo ahayd .

 ( Cormale Minishiibiya ma aasi karto ) .

Dowlada Hoose ee Xamar  ayaa  aasi  jirtay dadka ku dhinta  hospitaalada  muqdisho  , nabdoon Aadam Fooke  waxaa uu diiday dadka Cormale ee  ku dhinta ( hospitals ) Mogadisho   in ay aasaan dowladda hoose  .

Waxaa uu  dacwad  ka gudbiyay  dowlada hoose ,  kalmadaan  Maxakamada horteeda  ayuu ka yiri waxaana la ogolaaday doodiisii oo maalintaas  waxii  ka dambeeyay qof dambe oo Cormale  ah dowlada Hoose ma aasin .

Nabadoon Aadam Fooke  waxaa uu ka soo jeeday beesha Maxamed Aw‑Bakar (tol‑weyne) gaar ahaa Mahiibaan  , sidoo kale waxaa uu ahaa ninkii ugu horeeyay ee ku matala Xamar  hogaanka  dhaqan ee qabiilka Cormale  .

IBRAHIM QUREESH ABDILLE

Nabadoon  Ibraahim  Qureesh  oo mar dambe  Cormale uu ugaas ugu doortay Muqdisho  ayaa kmid noqday  hogaanka qabiilka ee Muqdisho in kastoo labada  ninba ay Muqdisho qabiilka ku soo hogaamiyeen hadana waqti  dheer  ayaa u dhexeeyay oo aad u kala fog  .

Sidoo kale Ibraahim Qureesh waxaa  uu ku soo  aaday  marxalad aad u adag  labada  ninba wax bandan  ayay  u soo  qabteen qabiilka  ,  Qureesh waxaa uu ka soo jeeday beesha Ciise  gaar ahaan Abkeey  Macaaneey .

                              HOGAANKA DHAQANKA BAYDHABO

MALAAQ  MACALIM MACOOW CABDI GEEDI 

Waxaa uu kamid noqday  hogaanka dhaqanka qabiilka Cormale qaybtiisa  magaalada baydhabo Malaaq Macalin Macoow Cabdi Geedi ( boqol soon ).

Malaaq Macow Cabi Geedi  ayaa sidoo kale ahaa hogaamiye diimeed, waxaa uu ka soo shaqeeyay xaalada adag oo ay jireen siyaasada is diidan sida  goonfur galbeed asaaskeedii lixda gobol iyo seddexda gobol ee la isku haaystay .

Waxaa uu qayb muhiim ah ka ahaa dhismahii  maamulka Koonfur Galbeed , waxaa uu ka soo  jeeday Macalim Macoow beesha Abkeey Ciise gaar ahaan Macaaneey .

               HOGAANKII  DHAQANKA EE  DHADHACLE  IYO DHEES 

Waxaan halkaan uga hadli doonaa haddii uuAllah idmo deegaannada Dhadhacle , Dhees  iyo Duduble  oo  ka tirsan Shabeelada Hoose  oo uu degan yahay qabiilka Cormale  .

Deegaankan waxaa uu ku yaalaa duleedka degmada Afgooye  ee gobolka Shabeelada Hoose,  gaar ahaan  waxaa uu ka xigaa  dhinaca qorax u dhac Afgooye  .

Waxaa uu  u  dhaxeeyaa  Afgooye iyo Daafeed waxaa uu u dhaw yahay  deegaanka Warmaxan  .

waxaa kamid ahaa hogaankaii dhaqanka ee soo maamulay qabiilka qaybtiisa deegan Shabeelada Hoose  .

  • Cali Yaroow Xassan Ceymooy ( Ali Yaroow Cormale ) oo haayay  hogaaninta  mudda aad u dheer  ka hore waqtigii xurriyadii iyo kadib intaba .
  • Xassan Cali Yaroow Xassan oo ka dhaxlay Aabahiis  hogaaminta dhaqanka  qabiilka qaybtiisa degan Dhadhcle  iyo Dhees iyo Duduble ayaa u haayay qabiilka hogaanka xiligii  Kacaanka ee Militiriga uu maamulayay dalka .
  • Cabdille Maxamed Guuraaw Garas Cali Yaroow oo ka dhaxlay  adeerkiis oo  kamid ahaa reer Cali Yaroow Cormale , ayaa  hogaaminta qabiilka  ku soo biiray oo hayay ilaa iyo waqtiga  buuggan qormadiisa ay socta oo ah sanadka  2020  ayuu yahay .

Sidoo  kale waxaa kamid ahaa  hogaanka dhaqanka deegaankan.

  • Nabadoon  Yare Macoow Gambi
  • Nabadoon  Cabdiyoow  Buulle  .

Waxaa ay ka soo jeedeen beesha  Waladeeye  oo  kamid ah qaybaha Cormale  ee  sida weyn u degan  Shabeelada Hoose .

Beelaha Cormale  ee degan Dhadhacle  iyo Dhees waa qaybo kamid ah Cerente , Waladeeye  iyo Jidgaal , hogaanka dhaqanka ee deegaanka ayaa  inta badan ka soo jeeday beesha Cerinte  .

                            HOGAANKA DHAQAN  MANDEERA ‑ KENYA

Waxaan  qaybtaan aan ugu hadli doonaa haddii uu Allah  idmo qabiilka qaybtiisa degan  Mandera  iyo hoggaanka dhaqanka ee deegaanka Mandera iyo Ramo  .

Waxaa hogaamiye Nabadoon Cabdullahi  Sheekh Cadi Liibaan oo  waqti  adag soo hogaamiyay  sidoo kale aabahiis oo ahaa  Sheikh Cabdi Liibaan  oo hogaamiye dhaqan iyo hogaamiye diimeed intaba ahaa   ayaa waxaa dilay Xabashida  Ethiopia  , waxaa ay  ku dileen  deegaanka Buula Labileey  oo xuduudka  dhanaca  Ethiopia  ka xiga  degmada Mandheera  , waxaa kale oo kamid ahaa wax‑garadkii  ugu caansan degaanada Mandeera ku dhaw .

  • Dhaqana Macoow Dhaay ( dhaqana Macaaneey )
  • Axmed Sheikh Cabdi Liibaan (Axmed Turji ) oo ganaacsade ah
  • Muqtaar Xuseen Liibaan ( gacma gaab )

Qabiilka qaybaha degan Mandeera waxaa ay xilfi iyo xulufo walaaltinimo kala dhaxeeysaa qabiilka  Dagoodiye  oo  asal ahaan ay isir wadaagaan  Cormale .

Waxaa xusid mudan  in kasto oo qabiilka qaybahiisa kale duwan laga heli karo Mandeera  iyo deegaanada ku dhaw ama uu degan yahay  hadana magaca loo yaqaano ayaa ah Macaaneey  .

Macaaneey waa qayb  kamid ah Cormale  hadana sababta ayay ku sheegeen odayaasha taarikhda in Macaaneey oo bah‑wadaag la ahaa  Dagoodiye  oo deegaanka ku badan iyo  in Macaaneey  uu deegaanka ugu soo horeeyay Cormale intiisa kale .

                              HOGAANKA DHAQANKA CORMALE EE GARRISA

Qabiilka Cormale  qaybaha degan Garissa County  ee Kenya  waxaa hogaamiya  nabadoon Deeroow Bakaal Macoow oo ku matala dhaqanka  qabiilka halkaas  , waxaa uu ka soo jeedaa beesha Abkeey Ismaaciil  gaar ahaan Abkeey Ahal .

Sidoo kale waxaa waqti dheer oo ah  ilaa iyo xiligii gumeeysiga nabadoon ka ahaa Allah u naxriistee Sheikh Xassan Tigeey oo ka soo jeeday beesha Axmed Nuurre .

                                            CULIMADII  DARIIQOOYINKA

A : Waxaa kamid ahaa Dariiqooyinkii ugu caansanaa   dalka  Somalia oo ilaa iyo hadda  jirta  , dariiqadii  uu hogaamin jiray Allah u naxariistee Aw‑Sheekh  Maxamed Nuur Luqmaan  oo fadhigeeda ugu weyn  ahaa degmada Diinsoor  sidoo kale waxaa ay xaruma ku lahayd  meela kale oo dalka ah  .

Waxaa  ay xaruma ku lahayd sida Muqdisho gaar ahaan xaafada Xoosh ee degmada Dharkeenleey  iyo xarun kale oo ay ku lahayd jamaacadii Aw Sheikh Maxamed Nuur Luqmaan  degmada  Kismaayo .

Waxaa hadda hogaamiya dariiqadii uu hogaamin jiray Sheikh Maxamed Nuur Luqmaan   wiil uu dhalay Sheikha oo lagu magacaabo Sheikh Shanyaaloow Sheikh Maxamed Nuur Luqmaan  oo kamid ah culimada waaweyn  .

Sheikha  Shanyaaloow  waa  nin wax ku  soo baxay ama  ka soo bartay diinta islaamka  Jaamacadda caalamiga ah ee  Al‑Azhar  ee ku taala  magaalada Qaahira  ee dalka Masar  inta aaysan   burburin xukuumadii  militiriga .

Fiira Gaar ah : waxaa uu ka soo jeeday Sheikh Maxamed Nuur Luqmaan  qabiilka Cormale  gaar ahaan beesha  Ciise  reer ugaaska Cormale , inkasto oo  ay culimada aysan lahayn xuduud qabiil  hadana waxaa muhiim ah in nasabka qofka  la sheego .

Waxaa uu  Cormale ahaan  inoo leeyahay  taariikh gaar ah iyo ahmiyad weyn  intaba , waxaa uu ku aasan yahay  Sheikha Maxamed Nuur  Degmada Diinsoor  .

B : waxaa sidoo kale kamid ahaa dariiqadii uu hogaaminaayayAllah u naxariistee Aw_Sheekh Cabdullahi Maxamuud  oo kamid ahaa culimadii  sida  weyn  looga yaqaanay koonfurta Soomaaliya  gaar ahaan gobaladii horay  loo  oran  jiray Alta Jubba iyo Basta Jubba  oo hada ah labada Jubba  iyo Bay , Bakool  iyo Gedo .

Waxaa uu ku aasan yahay Sheikh  Cabdullahi Maxamuud meesha loo yaqaano  Xaramka  oo  u dhaxeeysa degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe  iyo deegaanka Kuuya  –Baroow  magacaas oo ay micnihiisa dadka ula jeedaan Xaramkii  Sheikh Cabdullaahi  Maxamuud  sidoo kale Sheikha ayaa ka soo jeeday qabiilka Cormale  gaar ahaan Garlabe beesha Maxamed Aw‑Bakar ,  sidoo waxaa uu taariikh gaar ah ku dhex lahaa  kuna  leeyahay ilaa iyo hada  cormale .

Waxaa in mudda ah maamulaayay dariiqadii   Sheikh Cumar   Sheikh Cabdullaahi Maxamuud  oo ahaa wiil uu dhalay Sheikha ,  deegaanka Gurmadka ee u dhaw Cabddala Biroole  duleedka Kismaayo  ayaa fariisin u ahaa , sidoo kale dariiqada ayaa  wakiilo  ku lahayd deegaanka Raaxoole Cormale  .

WQ/ H.E Maxamed Cumar Geedi

Waxaa qaybtaan  si gaar ah isugu soo dubba riday  mahadi haka gaarto aqoonyahan:

Cali Xuseen Ibraahim  (Matooriste)

error: Qoraalkaan in la copy-gareeyo lama ogala.