Lixda Cormale

 

                                                                     TAARIIKHDA

                                           LIXDA CORMALE IYO LIXDA KORFUUSHA

Halkaan ka baro haddii uu Allah idmo  lixda Cormale iyo lixda korfuusha waxa ay tahay , micnaheeda  iyo sida iyo sababta ay ku timid intaba .

Waxaan  horay  soo sheegnay asalka  Cormale  in uu yahay  seddex  faracana  uu ka badan yahay  lix iyo lix kale oo  lagu daray  hadaba sidee ayaay ku timid ? .

Arrintaan waxaa la sameeyay xilliyadii dhexe oo ma ahayn wax horay u sii  jiray, waxaa ay ku saleeysn tahay hab maamul dowladeed iyo qaab uu qabiilka u qaybsado qaaraanka iyo difaaca , oo mudnaan u gaar ah lagu siiyay beel kasto iyo jifo walbo oo  waa hab u gaar ah Cormale  .

Marka hore qabiilka Cormale  ma ahan  dad is dulsaaran  sida ka muuqan karta  Ereyga (lixda Cormale  iyo lixda  korfuusha) ee  waa dad wada dhashay oo hal isir ah , arrintaan ayaa ah qaab dhismeed xisaabta  qaaraanka iyo difaaca lagu wadaago   .

Waxaa sabab u ahaa in la sameeyo lixda Cormale marxalada  aad u adag iyo colaad in ka badan 30 sano socotay oo ay wehliyeen Abaaro iyo xaalada kale sida  ay ka sheekeeyeen odayaasha taariikhda   .

Waxaa badatay  dhibaatadii colaadda oo  jiha ayuu walba culeeys ka yimid iyo xaaladdii oo ugu dambeyn gaartay in la is tiriyo oo weliba (qooys qooys  la isu xisaabiyo) .

Sida aan wada ognay guud ahaan qabiilada Soomaaliyeed mid kasta waxaa uu leeyahay jifooyin waaweyn iyo Jifooyin yar yar oo waa  ku kala badan yihiin  qabiilka dhexdiisa ama saameeynta qabiilka dhexdiisa ah ay ku kala duwan yihiin  sida difaaca iyo qaaraanka.

Sidaa darteed ayaa  la isku dhex qaybiyay beelaha  yar yar ee Cormale iyo  beelaha kale ee  waaweyn ee qabiilka  marxaladaa  jirtay darteed sida ay inoo sheegeen odayaasha taariikhda Cormale aqoonta u leh .

Beelaha  waaweyn ee  la qiyaasay in ay dad badan ka soo ciidmi karaan (ka soo gurman karaan)  iyo in uu  qaaraan badan uu ka soo xaroon  karo  ayaa noqday lix beelood kadib markii la is xisaabiyay, odayaashii waagaas talada u haayay  qabiilka ayaana  go,aamiyay in laga dhigo Lixda Cormale .

Lixdii beelood ee loo tixgeliyay in ay yihiin beelaha waaweyn  ee qabiilka  ama qaaraan iyo ciidan badan  laga heli karo ayaa  sidooda loo istaajiyay  beel ahaan , waxaana loo aqoonsaday lix beelood ee  ugu waaweyn qabiilka  kadibna waxaa la go,aamiyay in la siiyayo  magaca lixda Cormale  .

Sidoo  kale beelahii loo qadariyay in ay yahiin beelahii yar yar ee qabiilka  Cormale ama  gurmadka  iyo qaaraanka  laga heli karo uu yar yahay  ayaa lagu dhex qaybiyay ama la kala  raac raaciyay lixda  beelood ee waaweynaa ee qabiilka  Cormale  waxaana la siiyay magaca  Lixda Kor Fuusha  .

Sidaas ayay ku timid  lixda Cormale  iyo lixda korfuusha , arrintaan ayaa ah qaab ay  beelaha ku wadaagayaan difaaca  iyo qaaraanka  mahadi haka gaarto odayaashii ku taliyay .

Waxaa sidaa lagu sameeyay  lix (6) aag difaac ama Lix furimood oo ujeedadu  ahayd in  lagu difaaco qabiilka waqtiyada colaadaha , waxaa uu ahaa heshiis uu qabiilka  Cormale gaaray .

                          QAYBAHA CORMALE  EE KA MAQNAA HESHIISKAN

Waxaa jiray qaybo kamid ah qabiilka Cormale oo aan ka qayb galin heshiiskan kana  maqnaa sida Abkeey  Cumar Meyle  iyo Xasan Meyle ( fasaxle Meyle) oo guud ahaan ka maqnaa heshiiska .

Waxaa jiray  qaybo kale oo Cormale ah oo ay ka joogeen jifooyin ku matalayay heshiiskii loogu qaybiyay qaaraanka iyo difaaca  lixda Cormale  sida Abkeey Ciise oo uu ka maqnaa Macaaneey iyo Abkeey Saleemaal  qaybo kamid ah oo ka maqnaa heshiiskaas  deegaanada oo aad u kala fogaa darteed .

Xilligaa lagu  heshiiyay  lixda Cormale waxaa uu qabiilka  joogay dhulka hadda loo yaqaano Hiiraan laga bilaaba Beledweyne ilaa Qalaafe iyo qaybo kamid ah dhulka Soomaali galbeed ee ay Itoobiya haaysato gaar ahaan xuduudka hadda jira labadiisa  dhinac ilaa iyo qaybo kamid ah gobolka Bakool .

Arrintaan  lixda Cormale iyo lixda korfuusha waa hab maamul ka dhashay duruuf markaa jirtay in looga gudbo ee ma ahan sida ay isula dhasheen beelaha qabiilka Cormale .

                 HALKAAN KA BARO QAABKA UU QABIILKA U QAYBSADAY

                                               DIFAACA IYO QAARAANKA

1—LABO GARLABE  oo waxaa laga dhigay  labo beelood oo siman ama laba qabiil oo Garlabe ah , waxaana la kala  siiyay magacyada kala ah Tol‑Yare  iyo Tol‑Weyne .

2—SADEX ABRABE  oo waxaa laga dhigay   Seddax  beel ama seddex qabiil  oo Abrabe  ah waxaana la siiyay mid kasto magaca bah‑wadaag  sida aad xagga dambe ku arki doontaan inshaa Allah .

3— HAL CERINTE oo ah hal beel  ama hal qabiil oo Cerinte  ah .

SHAXDA LIXDA CORMALE  OO FAAH‑FAAHSAN

Garlabe waxaa loo qaaybiyay lixdiisi beelood  labo beelood oo siman waana sidan .

1—MAXAMED AW BAKAR (Tol‑weyne) waa  hal beel oo Garlabe ah oo  micnaheedu  yahay  hal aag difaac iyo hal  qaaraan bixiye .

2— Shantii (5) beelood ee kale  ee Garlabe ayaa waxaa laga dhiay hal beel oo Garlabe ah waxaana la siiyay magaca (Tol‑Yare ) waana hal aag difaac iyo hal  qaaraan bixiye.

(Fiiro gaar ah) :

Haddii aad ku aragto buuggan dhexdiisa magacyada Tol‑Yare , Tol‑Weyne iyo Bah‑wadaag waa magacyadii difaaca iyo qaaraanka looga qaybiyay qabiilka  oo ilaa iyo hadda  lagu bixyo qaaraanka ee ma ahan magacyada rasmiga ah ee lagu abtirsado  .

3—CERINTE  waa hal beel sidoo kale hal  aag difaac iyo hal qaaraan bixiye, ma jirin bah kale oo la raaciyay  inkasta oo ay jiraan  jifooyin kale oo  Cormale ah kana mid ah Cerinte sida aan kor ku soo sheegnay .

4CIISE oo kamid ah beelaha Abrabe waxaa laga dhigay hal beel waana hal aag difaac iyo hal qaaraan bixiye waxaana La qaybsanaayay aagaga difaac iyo qaaraanka intaba .

A—Waladeeye.

B—Sama-arag

 Beelahaan waxaa loo yaqaanaa bah-wadaagta  Abkeey Ciise waa hal aag difaac iyo hal qaaraan bixye  .

(Fiira gaar ah) beesha waladeeye ma ahan beel yar haddana  ma  soo helin sababta loogu daray ama loo raaciyay beesha Ciise intii aan baaritaanka wadnay.

(taariikhda Waladeeye waxaan ugu hadli doonaa qaybaha dhexe ee buugan  haddii Allah idmo) .

5ISMAACIL waxaa laga dhigay hal beel oo ah hal aag difaac iyo hal qaaraan bixiye waxaa ayna isku qayb iyo qaaraan ahaayeen hadan  yahiin oo la raaciyay beelaha :

A—Mataana.

B—Yibidhaale

beelahaan waxaa la isku dhahaa bah-wadaagta Abkey Ismaaciil waana hal aag difaac  iyo hal qaaraan bixiye .

6—SALEEMAAL waxaa laga dhigay hal beel waana hal aag difaac iyo hal qaaraan bixiye , waxaa ayna isku qayb iyo qaaraan  ahayeen beelaha :

A— Jidgaal

B—Laagoow

Beelahaan waxaa la isku dhahaa Bah‑wadaagta Abkeey Saleemaal oo waa hal aag difaac iyo hal qaaraan  bixiye .

Odayaasha Cormale ee taariikhda  ayaa  inoo  sheegay in beelaha  saddexda ah ee bah‑wadaagta Sameelmaal ay wehliyeen waagaas  jifooyin  kale oo ka soo jeeda  qabiilka Hoon Gardheere oo ayagana  kamid ahaa  bah‑wadaagta Abkeey Saleemaal  sida aan hore u soo sheegnay qabiilka Hoon Gardheere   waxaa uu kamid yahay afarta ilmo Gardheere Samaale .

Fiira gaar : qaybo kamid ah qabiilka Hoon Gardheere waxaa ay kala qayb galeen Cormale dagaaladii ka dhacay Hiiraan ayaga oo difaaca ka gali jiray aaga Bah‑wadaagtii Abkeey Saleemaal .

(Fiira gaar ah): ma jirin beel magacii  laga qaaday ama la magac badalay  oo kamid ah beelahii  yar yaraa ee lagu dhex qaybiyay beelaha kale  ee Cormale sida aan kor ku soo sheegnay , waxaa ka dhaxeeyay oo kaliya qaaraanka iyo difaacii la isku daray ee qabilka dhexdiisa  .

Waxaa sidoo kale xusid mudan in magaca difaaca lagu galaayo ama  qaaraanka lagu bixinayay uu ahaa  magaca beesha weyn oo magaceeda lagu howl gali jiray laguna bixin jiray qaaraanka, halka beesha yar ay baaqi ku ahayd magaceeda marka la abtirsanaaya oo kaliya.

 ( Waxaa  intaa ku dhan qaab dhismeedka  lixda Cormale iyo lixda korfuusha )

  YAA SAMEEYAY QAAB DHISMEEDKA LIXDA CORMALE     

IYO

LIXDA KORFUUSHA ?

Ugaas Hindis Masuuse ayaa sameeyay lixda Cormale iyo lixda korfusha  , waxaa ay ka dhigeen ugaas Hindis iyo odayaashiisi  seddexda Abrabe seddex aag  difaac iyo seddex qaaraan bixiye  waxaana lugu dhex qaybiyay beelah yar yar ee Meyle ka baxa oo dhamaaantood waalid ah xagga abtirsiimada marka loo eego seddexda Abrabe  .

Ugaas Hindis Masuuse iyo odayaashiisii  Cormale talada u haayay waagaa  ayaa siiyay beelaha seddexda Abrabe magaca Bah–wadaag sida Bah‑wadaagta Ciise , Bah‑wadaagta Ismaaciil iyo Bah‑wadaagta Saleemaal .

Sidoo kale ugaas Hindis Masuuse iyo hogaankii talada ee waqtigaas ayaa siiyay magacyada Tol‑Yare  iyo Tol ‑Weyne  beelaha Grlabe oo  loo qaybiyay labo .

Haddaba marka aad si fiican ugu fiirsato lixda Cormale iyo Lixda Korfuusha waxaad ka dhex fahmi kartaa lixda beelood  ee lagu dhex qaybiyay qaybaha kale ee qabiilka ama lagu sheegay korfuulka dhammaantood in ay yihiin beelaha ka baxa  Meyle oo kaliya.

Odayaashii Cormale  ee taariikhda ee aan xogtaan ka soo guurinay ayaa inoo sheegay in sababta ku koobtay beelaha Meyle isku qaybinta  beelaha dhexdooda  ay ahayd  beelaha Garlabe oo ah beela wada dhashay oo fac  siman ah halka beelaha  Meyle ee waaweyn ay  farac yihiin ama  waalid loo yahay .

Beelaha yar yar ee Meyle ayaa ah waalid u ah inta badan beelaha waaweyn ee Meyle waana sababta keentay in  ay gaar ku noqoto  isku dhex qaybinta  beelaha qabiilka dhexdiisa ah  Meyle oo kaliya .

Fiira Gaar ah: waagaa waxaa dalka ka talinaayay waqtigaas  boqortooyadii Ajuuraan (Ajuran State) sida ay inoo sheegeen odayaasha  taariikhda Cormale aqoonta leh , waxaa aad loo dhaqan geliyay ku dhaqanka heshiiska lixda Cormale  xiligii ay hogaanka qabiilka  haayeen  beesha Abkeey  Ciise   .

WQ/ H.E MOHAMED OMAR GEEDI

 Waxaa qayb weyn ka qaatay qorista , xog uruurinta , iyo maalgelinta intaba buugga aqoon yahan

 CALI  XUSEEN IBRAAHIM  (Matooriste)

Sidoo kale waxaa ka qayb qaatay xagga farsamada aqoon yahanada kala ah :

  1. Maxamed Isaaq Maxamed (Ina Isaaq dheere).
  2. Cabdiqaadir Macoow Booroow.

error: Qoraalkaan in la copy-gareeyo lama ogala.